5 Waxyaabood oo fudud oo Gabar kasta ay u baahantahay

Ragga badankood waa kuwo intabadan diiradda saara waxyaabaha waaweyn ee ay haweenku rabaan, balse waa inaadan hilmaamin waxyaabaha yar yar oo ah kuwo muhiim ah.

Hoos ka aqri qaar kamid ah waxyaabaha muhiimka ee ay haweenku rabaan.

  1. Qof isku daya inuu ka farxiyo

Xaqiiqdii haweeney kasta waa mid rabta nin ka farxin kara; haweenka waxay jecelyihiin inay  ku faraxsanaadaan xiriirka sidaa darteed nin kasta oo farxad siin kara waxaa hubaal ah inuu boos muhiim ah ku leeyahay nolosheeda.

Si,kastaba, rag badan ayaanan dadaal ku bixin inay xaasaskooda ka farxiyaan mana jirto gabar rabta nin noocaas ah.

  1. Qof isha ku haayo oo xaaladdeeda la socdo

ka warqabka waa mid kamid ah waxyaabaha ugu fudud ee xiriirka ka dhiga mid wanaagsan balse intabadan maba helaan dumarka.

Haweeney kasta waxay rabtaa nin ka warqaba xaaladdeeda. Inaad ka warqabtid xaaladdeeda ama la socotid way fududahay.

  1. Qof daacad ah oo mustaqbal raba

Ma jirto haweeney rabta in lagu ciyaaro, ma jirto gabar rabta xiriir micno la’aan ah; haweeney kasta waxay ku riyootaa nin daacad u noqonaya isla markaana aanan ku ciyaareyn mustaqbalkeeda.

  1. Nin usameeya waxyaabaha fudud

Waxyaabaha fudud ee haweeney kasta ay rabto waxaa kamid ah inaad u noqoto nin kalgacayl leh, aqyaar ah oo xushmeeya isla markaana amaana. Waa waxyaabo ay fududyihiin inaad sameyso, balse kaliya rag tiro yar ayaa haweenkooda u sameeya.

  1. Qof aanan qiyaaneyn

Waxyaabaha ay haweeney kasta rajeyso waxaa kamid ah inay hesho nin aamin ah oo daacad u noqonaya. Haweeney kasta waxay rabtaa inay hesho nin ay ku kalsoonaato.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button