5 Waxyaabood Oo Haweeneydu Sameyso Marka Ay Ku Nacdo (Calaamadahan Waa Digniin)

Waxay noqon kartaa arrin xanuun badan inaad aragto haweeney aad jeceshahay oo ku nacday. Haddii aadan aqoon sida haweenka ay u dhaqmaan marka ay ragga nacaan, aqri warbixintaan illaa dhammaadka.

  1. Kaama walwasho

Marka gabar ay ku nacdo waxay joojisaa inay kaa walwasho. Kuma daneyso gabi ahaan waana wax hubaal ah taas. Haddii aad calaamadan ku aragto haweeneyda iska ogoow waa lagu nacay.

  1. Kuuma aragto jir ahaan qof soo jiidasho leh

Marka haweeney ay ku jeceshahay waxay kuu aragtaa inuusan jirin nin kaa cajiibsan. Markay ku nacdo waxay bilaawdaa inaysan daneyn muuqaalkaaga isla markaana aysan kuu arkin qof soo jiidasho leh.

  1. Waxay joojisaa inay ku dadaasho in guurku shaqeeyo

Waxba kama galin haddii xiriirku burburayo iyo haddii kale sababtoo ah way ku nacday waxayna rabtaa inaad nolosha uga baxdo.

Badanaa haweeneyda waxay sameyn doontaa dadaal walba si xiriirka ninka ay jeceshahay la leedahay u shaqeeyo balse haddii ay nacdo waxba kama gelin.

  1. Waxay sameysaa wax kasta oo ay dareento iyadoo aanan eegin dareenkaaga

Fikradahaaga iyo dareenkaaga ma quseeyaan iyada. Waxaan ula jedaa waxay sameysaa wax kasta oo ay rabto iyadoo aanan eegin sidaad u arki doonto waxaas ay sameysay. Haddii waxa ay sameysay ay ku dhawaacaan dhibkeeda ma ahan.

  1. Ma aragto waxaad u sameyso

Bilaawga ama markii hore, sheey kasta oo yar oo aad u sameyso way ka mahadcelin jirtay balse hadda wax muhiim ah uma ahan ama micno uguma fadhiyaan.

Ma aragto hadiyadaha aad aad u keento iyo sidoo kale ereyada macaan ee aad ku dhahdo.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button