6 Faa’ido aadan ogeyn oo laga helo kulanka sariirta ee subixii

Lamaaneyaal badan waqti uma sameeyaan kulanka sariirta ee subixii intaas kadib ma jiro waqti badan oo aad caruurta iskuul ugu diyaariso, quraac aad qoyska ugu diyaariso amaba shaqada aad iskugu diyaarisid… intaas iyadoo ay jiraan hadana waa inaad jadwalka ku darsataa daqiiqado yar oo kulanka sariirta ah.

Dad badan ayaa doorbida inaysan waqtigaas galin isla markaana ay kulanka sariirta sameeyaan habeenkii ama dhammaadka todobaadka iyadoo uu jiro waqti badan.

Si,kastaba, waxa dad badan aysan ogeyn ayaa ah in galmada subixii ay leedahay faa’idooyin caafimaad, waxaana kamid ah faa’idooyinka laga helo:

  1. Niyad wanaagsan

Waa la sheegay in kulanka sariirta ama galmada subixii laga helo niyad wanaagsan isla markaana uu qofku ka dhigo mid dareema dareen wanaagsan.

Sababta ayaa lagu sheegay inay tahay in galmada subixii ay soo saarto hormoon kaasoo sidoo kale loo yaqaano (Hormoonka dareenka wanaagsan. Sidoo kale hormooneskaas ayaanan faa’idadaan kaliya laga helin ee waxa uu sidoo kale aad iskugu xiraa lamaanaha.

Qofka gala kulanka sariirta subixii ayaa la sheegay inuu helayo dareen iyo niyad wanaagsan uu maalintaas howlihiisa shaqo ku bilaawdo waxana uu maalintaas dhan dareemayaa reeyreeyn.

  1. Waxaad ka heleysaa dhalaal

Waligaa xafiiska ama shaqada ma aaday adigoo wajigaaga iftiimayo oo dadku ma bilaabeen inay ku weydiiyaan iftiinka ama dhalaalka wajigaaga ka baxayo subaxdaas? Hagaag, kulanka sariirta ee subixii ayaa la caddeeyay inuu u wanaagsanyahay jirka.

Dhalaalkaas ayaa waxaa sabab u ah kororka wax soo saarka estrogen oo ah hormoonada haweenka iyo hormoono kale oo muhiim ah kuwaas oo keenaya in wajigaagu dhalaalo ama nuuro.

  1. Waa jimicsi/ Jir dhis

Galmada waa howl; labada lamaane way dhididayaan waxana baaba’aya xeerta intaad ku jirtaan howsha waana qaab fudud oo aad iskaga baabi’in karto dhowr kilo oo cayil ah.

  1. Firfircooni ayaad ka heleysaa

Waxaad noqonaysaa maskax ahaan qof firfircoon ka dib markaad kulanka sariirta gashid subixi, waxaana taas sabab u ah dib u nooleynta firfircoonidaada, kadib 8 saacadood oo aad hurdeysay waxaad kicineysaa neerfaha maskaxdaada.

  1. Caafimaadka wadnaha

Galitaanka kulanka sariirta subixii ugu yaraan 3 waqti todobaadkii ayaa yareysa halista wadna xanuunka iyadoo sidoo kale kahortagta wadna garaaca, waxaa taasi dheer in kulanka sariirta ee subixii uu hoos u dhigo cadaadiska dhiig karka waxayna dhaqaatiirta la xiriiriyeen inuu kahortago walbahaarka ama wlaaaca.

  1. Difaaca jirka

Galmada subixii ayaa sare u qaado heerarka difaaca jirka kuwaas oo kahortaga cudurro guud sida, qabowga, hargabka iyo infekshino kale.

© Aayaha

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button