Lamaanayaasha Guurkoodu Farxadda Ku Dhisanyahay Waa Kuwa Sameeyo Waxyaabahaan

Markii ay Meesha ka baxaan waxyaabaha qaar oo muhiim u ah jiritaanka guurka iyo farxadda lamaanaha waxaa hubaal ah inuu burbur ku imaanayo guurka isla markaana ay lamaanuhu kala tagayaan, waana sababta ugu badan ee keento kala tagga lamaanaha.

Waxaan kuusoo gudbineynaa dhowr qodob oo ay tahay inaad qadato haddii aad rabtid guur cajiba oo farxad yeesha.

Hoos ka akhriso talooyinkaas oo ah kuwo farxad u keena lamaanaha iyo guurka.

1. Furfurnaan

Lamaanayaasha raba guur cajiiba waa inay isku furfurnaadaan. Diyaar u noqo inaad fikrdahaaga iyo shucuurtaada aad la wadaagto lamaanahaaga.

Isku furfurnaanta waxay guurka u keentaa is aamin.

2. Qarinta sirta lamaanahaaga

Waa muhiim inaadan siraha lamaanahaaga la wadaagin cid kale ama banaanka aadan soo dhigin haddii aad rabtid guur cajiiba.

Way sahlantahay inaad dhistaan kalsooni marka aadan soo bandhigin aqoon gaar ah oo midba kan kale u leeyahay ama uu haayo sirtiisa.

3. Dadaal

Waa muhiim inay kaa go’antahay in guurku shaqeeyo haddii aad rabto guur cajiiba oo guuleysta.

Marka labada lamaane ee isqaba ay muujiyaan dadaal weyn oo ku aadan in guurku shaqeeyo, way sahlanaaneysaa markaas in gurkoodu noqdo cajiib.

4. Xushmad

Waa muhiim in lamaanayaasha ay isxushmeeyaan haddii ay rabaan inay yeeshaan guur cajiiba. Ma jiro guur guuleysanaya haddii aysan xushmad jirin.

5. Garab/iscaawin

Lamaanaha uu guurkoodu yahay cajiib ama ku dhisanyahay farxad waa kuwo had iyo jeer midba kan kale ka caawiyo xanuunkiisa.

Guurku wuxuu yeelanayaa waqti wanaagsan iyo mid xun waxana la filayaa inaad daacad u noqoto isla markaana garab istaagto lamaanahaaga marka uu dhib qabo isla markaana ubaahanyahay garab iyo qof caawiyo.

6. Isqiimeyn

Waa inaad jeclaataa lamaanahaaga inay wehel kuugu noqotay nolosha haddii aad rabto guur farxad leh.

Way fududahay in la dhiso guur cajiiba marka had iyo jeer midba midka kale uu ku qiimeeyo inuu nolosha la wadaagay ama lamaane ay noqdeen.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Back to top button