6 Waxyaabood Oo Macaan Oo Lamaanahaagu Jeclaan Lahaa Inuu Kaa Maqlo

Lamaane kasta wuxuu jecelyahay in loo sheego waxyaabo macaan.

Waxyaabahaas qaarkood waxay lamaanahaaga ka dhigayaan mid aad kuusii jeclaada.

Wuxuu dareemayaa in la jecelyahay oo uu qiimo leeyahay.

Dhanka kale waxyaabahan waa kuwo xiriirka ama guurka sii wanaajiya oo ka dhiga mid jacayl ku dhisan.

Ereyadaan macaan waa kuwo dhalaalinaya lamaanahaaga.

  1. Waan jeclahay la joogaaga

U sheegidda lamaanahaaga inaad jeceshahay la joogiisa iyada/isaga, waa sheey kale oo gaar ah oo lamaanahaagu jeclaan lahaa inuu maqlo.

Tani waxay dareensiineysaa in joogitaankiisa uu qiimo leeyahay.

2.Soo jiidasho ayaa leedahay

In lamaanahaaga aad u sheegto inuu leeyahay soo jiidasho waa sheey kale oo macaan oo uu jeclaan lahaa inuu kaa maqlo.

Lamaanahaagu wuxuu kaa doonayaa inaad u aragto mid soo jiidasho leh, qurxan.

  1. Waad iga farxisaa

Tani waxay sidoo kale lamaanahaaga ka dhigeysaa mid faraxsan. Haddii lamaanahaagu kaa farxiyo, maxay tahay sababta aadan ugu sheegeen? Lamaanahaagu wuxuu markaas kadib isku dayayaa inuu farxad intaas ka badan ku siiyo.

  1. Waankuu xiisaa

Haddii lamaanahaagu uu kaa maqanyahay ama kaa fogyahay, wuxuu rabaa inaad u xiisto. Lamaanahaagu wuxuu dareemi lahaa inuu kugu weynyahay markuu ogaado inaad u xiistay.

  1. Wax kaa wanaagsan ma jiraan

U sheegidda qofka kugu qaaliga ah in isaga/iyada ay aysan jirin qof ka wanaagsan waxay lamid tahay in qofkaas sida uu kuugu weynyahay aysan jirin cid kaa wadi karta.

  1. Mar kasta garabaa kuu ahay

Ma jiraan wax ka qaalisan inaad lamanaahaaga tusto garab adigoo u sheegaya inaad garab u tahay. Lamaanahaagu aad ayuu u jeclaan lahaa inuu ogaado inaad mar kasta gaashiisa taagantahay.

 

Ku dish xiriirkiina ereyadaan macaan. Haddii aad heysato lamaane mudan ereyadaan kadib waa inaad u sheegtaa.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button