7 Waxyaabood Oo Muhiim Ah Oo Ay Tahay Inaad Ogaatid Kahor Inta Aadan Guursan - Aayaha

7 Waxyaabood Oo Muhiim Ah Oo Ay Tahay Inaad Ogaatid Kahor Inta Aadan Guursan

Guurka waa nolol iska caadi ah balse ma ahan xiriir markii aad gashid maanta aad ka tagi karttid mar kasta oo aad rabtid.

Dadka isku mid ma ahan sidoo kale guurkana waa lamid

Kahor inta aadan guursan waa kuwaan waxyaabaha loo baahanyahay inaad ka fekertid.

Waxaa jira culeys

Guurna ma noqdo sidii la filaayay, dhammaan guur kastana wuxuu leeyahay culeyskiisa, waad heshiin kari weyneysaan, waad dagaalameysaa, waadna isdhaawaceysaa, marka waxaa wanaagsan inaad diyaar u noqotid culeys kasta oo kusoo wajaha kahor inta aadan guursan.

Saaxiibtinimo

Kadib marka uu dhamamado xilliga guurka, dhammaan caruurta wey korayaan labadiinana da’ Ayaan idinku siyaadeysa waa mid  labadiina idin quseysa, miyaad waqtig la qaadaneysaa xaaskaaga xilligaas adigoo dib u eegaya yaraantiisa iyo waqtiyadiinii hore ee dahabiga ahaa ee aad isla soo qadateen? Xaaskaaga caruurta kuu dhashay waa inay noqotaa saaxiibka kuugu wanaagsan.

Dhanka Galmada ama kulamada sariirta

Kahor inta aadan guursan iska hubi inaad howshaas kasoo bixi kartid lagama maarmaan ma ahan in qofta aad shukaansaneysid uu kugu haboonyahay Kaliyah ee waa inaad ay tahay ama uu yahay qof ka haboon kulamada culus, waxayna tani kamid tahay waxyaabaha loo baahanyahay inaad ka fekertid kahor inta aadan guursan.

Qofna ma bedeli kartid

Dadka waxay u qaataan in lamaankooda ama lamaantooda uu isbedeli doono ama ay isbedeli doonto waxayna aaqir taasi keentaa furrin kadib muddo yar oo la isqabay, haddii aad shukaansatid nin daroogiiste ah ama haweeney aalkusliiste ah ha u qaadan inaad ka caawin doontid joojinta daroogada iyo aalkuliistenimada, Naftaada weydii haddii aad diyaar u tahay inaad nolosha la wadaagtid lamaantaada ama lamaantaada adigoon aan waxba ka bedelin.

Tanaasul

Micnaha guurka ayaa ah nolol lawadaagidda qof kale mid u baahan dulqaad iyo Samir, waa inaad meel iska dhigtaa dabeecadxumada, waxaadna ku qasbanaan doontaa inaad u tanaasushid lamaankaada ama lamaantaada waqti kasta.

Go’aanada

Inaad qof kale nolosha la wadaagtid ayaa waxa uu micnaheedu yahay inaad wada tashataan labadiina kahor inta aadan go’aan haddii aad kaligaa go’aan qaadan jirtay talo la’aan taasi ma shaqeyneyso marka aad guursatid.

Xiriir

Haddii aad qabtid dhibaatooyin dhanka xiriirka ah, waa inaad taas ka shaqeysaa maxaa yeelay guurka wanaagsan waxa uu ku dhisanyahay is aaminaad iyo xiriir.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button