7 Waxyaabood Oo Muhiim Ah Oo Kaa Caawinaya Inaad Noqoto Qof Wanaagsan

Qaado talooyinkaan si aad u noqoto qof wanaagsan oo qiimo leh. Qofka wanaagsan qiimo ayuu leeyahay wuuna ku weynyahay qof kasta isagoona hela xushmad iyo qadarin.

9 Calaamadood Oo Lagu Garto Inaad Noqon Doontid Xaas Wanaagsan

  1. Cafi naftaada

Diyaar unoqo inaad horey uga socotid qaladaadkii aad horey usameysay. Haddii aadan cafin Karin naftaada; way adkaan doontaa inaad kortid.

  1. Cafi dadka kale

Cafinta dadka kale waxay muhiim utahay sida aad ucafisay naftaada, haddii kale culeys iyo cuqdad aanan loo baahneyn ayaad qalbiga kusidan doontaa. Si aad u noqoto qof wanaagsan noloshaadana aad u hormariso waa inaad diyaar u noqotaa inaad dadka kale cafiso.

Qalbi nadiif ah oo aanan cuqdad qabin ayaa noqda qalbi wanaagsan.

Noqoshada qof daacad ah oo qalbi nadiif ah leh waxay wax walbo ka dhigtaa kuwo fudud iyadoo sidoo kale kaa dhigta qof aamin ah. Naftaada daacad unoqo iyo dadka kale.

  1. Qof kale ha iska dhigin adiga lee is ahaaw

Ahaaw qofkaa tahay oo ha iska dhigin dad kale. ha isku dhibin inaad tartan ugasho inaad dad kale isku ekeeysiiso — Waxaad kaliya ee aad dhumisay ayaa ah qiimahaaga iyo sharaftaada markaad qof kale iska dhigto ama aad isku ekeeysiisid. Sidaa darteed ha sameyn hana isku dhibin inaad iska dhigtid qof kale oo aysan jirin wuxuu ku dheeryahay.

  1. Jooji marmarsiiyada

Waligaa ma gaareysid hadafkaaga markaad had iyo jeer noqoto qof marmarsiiyo badan. Marmarsiiyada waxay kaa dhigtaa mid aqbala guul darada iyo inaadan sal dhigan.

  1. Si wanaagsan ula dhaqan dadka

Ula dhaqan dadka sidaad jeceshahay in laguula dhaqmo iyadoo aadan darajo ama qabiil. Markaad dadka si wanaagsan ula dhaqantid waxaad iska dhigtay qof wanaagsan.

  1. Wax baro

Raadi aqoonta oo isku day inaad wax barato maalin kasta isla markaana aad noqoto  qof aqoon leh waayo qofka aqoonta leh waa qof Sharaf ku dhex leh bulshada.

Qaadashada todobadaan talo waxay kaa caawin doonaan inaad noqoto qof wanaagsan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button