8 Arimood Oo Dumarku Ay Ku Jeclaadaan Ragga

Haweenka waa kuwo aragti dheer oo ragga ku jeclaada astaamo gaar ah. Ragga astaamahaas qaar leh ayay aad u adagtahay inay haweenku diidaan.

Sidaa darteed, haddii aad rabto in haweeneydu ay aad kuu jeclaato, waxaad u baahan tahay inaad yeelato sifooyinka hoos ku xusan:

1. Daacadnimo

Haweeney waliba waxay dooneysaa inay la joogto nin ay aamini karto. Dumarku waxay u muuqdaan kuwo aad u raadiyo una jecel ragga daacadda ah.

Daacadnimada ayaa muddooyinkaan dambe waxay noqotay mid aad u yar waana sababtaas mida keentay in haweenku raadiyaan ragga daacadda ah.

2. Fiiro gaar ah

Haweenku way jecelyihiin in dareenkooda lala socdo waana sababtaas tan keenta inay aad u jeclaadaan ragga ilgooni ah ku eega oo si gaar ah ula socdo dareenkooda.

3. Farxad

Haweenka ayaa si daran u jeclaada ragga furfuran ee dhoollacadeeya. Ma jirto gabar jecel nin xirxiran ama caro badan.

Sidaa darteed masoo jiidan kartid gabar haddii aad mar kasta careysantahay.

4. Shactiro

Haweenka aad ayay uga helaan ragga ka qoslisiin kara. Gabar kasta ayaa jecel inay hesho nin leh maad iyo shactiro.

5. Ciyaar

Gabar kasta waxay rabtaa nin ay la ciyaari karto. Ma noqon kartid mid soo jiita dumarka hadaadan laheyn dhinac ciyaar ah. Noqoshada qof lala ciyaari karo ayaa kaa caawin karta adiga iyo lamaanahaaga inaad noqotaan saaxiibo aad isugu dhow.

6. Is-hoosaysiin

Haweenka ayaa jecel ragga aanan islaweyneyn. Kibirka dadka ayuu kaa fogeeyaa waana la isku nacaa.

Iska ilaali kibirka haddii aad rabtid in haweenku ay aad kaaga helaan.

7. Labis

Dumarku waxay ka helaan ragga labista ee garanaya sida loo labisto.

8. Naxariis

Dumarka aad ayay uga helaan ragga naxariista iyo daryeelka u muujiya dadka kale.

Facebook Comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here