Afar Calaamadood Oo Aad Ku Ogaan Karto In Lamaankaaga Uusan Si Dhab Ah Kuu Rabin

Waxaan idiin soo gudbineynaa afar calaamadood oo lagu garto in ninka uu si dhab ah kuu rabin.

1. Wuu hilmaamaa waxyaabaha aad u sheegto

Inuu xasuus la’aan ka cabanayo maahane, ma jirto sabab uu u hilmaamo waxyaabaha muhiimka ah ee aad u sheegto. Ma xasuusan karo wax kasta balse waa inuu xasuustaa waxyaabaha muhiimka u ah noloshaada, sida, dhalashadaada ugu yaraan, taas waxay muujineysaa inuu ku daneynayo.

2. Qalad soo laablaabta

Dabcan, qof kasta qalad wuu galaa waana wax aan dhammaanteen sameyno haddii aan nahay bini’aadam, balse markaad sameyso qalad, waa inuu jiraa dadaal dhab ah oo aad ku saxeyso islamarkaana aad ku hubineyso inuusan mar kale dhicin. haddii uu qaladkaas dhaco inkabadan hal mar ,waxay noqoneysaa ula kac. Nin kuma qiyaani karo waqti kasta, raali gelin ka badbadin ah, waxay muujineysaa inuusan ilaalineyn dareenkaaga.

3. Wuxuu si aan gambasho lahayn kaala hadlaa haween kale

Mararka qaar, waxaad xiriir layeelataa nin aanan si gambasho lahayn kaala hadlo haween kale, marka ay tan dhacdo, ogoow inuusan si dhab ah kuu daneyneyn isla markaana uu xiriirka daacad ka ahayn.

4. Qeyb ayaad ka tahay noloshiisa, balse si dhab ah ugama tihid

Waxaad heysataa nin balse lama kulantid saaxiibadiis iyo qoyskiisa, Ma ogaatid kama qeyb gashid dhalashadiisa iyo munaasabadaha kale ee kuweyn noloshiisa, waxaa iska dacad inay wax qaldanyihiin, waxay ubadantahay inaadan ku weyneyn.

Facebook Comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here