Afar qaabood oo inaad jeceshahay aad ku tusi karto wiil ama gabar uu xiriir kaala dhexeeyo - Aayaha

Afar qaabood oo inaad jeceshahay aad ku tusi karto wiil ama gabar uu xiriir kaala dhexeeyo

Waxaan idiin soo gudbineynaa afar qaabood oo aad jacayl ku tusi karto wiil ama gabar uu xiriir kaala dhexeeyo.

  1. Caawin

Haddii aad jeceshahay qof, waa inaad dhib kasta u marta sidii qofkaas aad culeyska uga yareyn lahayd. Markaad jeceshahay qof, waa inaad mar kasta caawisaa. Had iyo jeer isku day inaad isi saarto masuuliyad isla markaana aad la qeybsataa culeyska.

  1. Ereyada

Mararka qaar waxa dhan ee aad u baahantahay inaad sameyso ayaa ah inaad si dhab ugu dhahdid “Waanku jeclahay”. Waa inaadan ka daalin  in jacaylkaaga aad u xaqiijiso lamaankaaga/lamaantaada.

  1. Waqti la qaado lamaankaaga/lamaantaada

Ma jiraan wax ka wanaagsan in lamaanaha ay waqti wada qaataan. Markaad waqti la qaadato lamaantaada, waxaad u sheegeysa lamaantaada/lamaankaaga in isaga ama iyada ay qiimo weyn kuugu fadhiso.

  1. Hadiyad

Inaad hadiyad siiso lamaankaaga/lamaantaada waa qaab wanaagsan oo aad u sheegi karto inaad jeceshahay adigoo aanan ku oran waanku jeclahay.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button