Astaamo Yaab Leh Oo Qiyaanada Kamid Ah Oo Aad Ku Arki Kartid Lamaanahaaga

Waxaa jiraan ficillo tilmaama khiyaanada oo si sahlan loo arki karo ama loo dareemi karo. Qaar kamid ah dhaqamada ugu waaweyn ee khiyaanoolaha ayaan idiin soo gudbineynaa sidaa darteed haddii aad ku aragto calaamadahan fadlan taxadar.

Hoos ka akhriso.

Diidmada kulamada habeenkii

Mid kamid ah calaamadaha ugu waaweyn ee digniinta ah ee laga eego lamaanaha wax qiyaanaya ayaa ah inuusan waqti kula qaadan habeenkii ama uu diido kulanka raaxada.

Sida laga soo xigtay Dr. Nicole Zapien, oo ah barafasoorad ku takhasustay cilmu nafsiga, calaamaddan ayaa waxay bixineysaa tilmaam ah diidmo iyo quusasho.

Haddii isaga ama iyada ay qiyaano sameyneyso, waxay noqon kartaa in meel kale laga soo buuxiyay baahideeda dareen ahaan iyo galmo ahaan, taasoo micnaheedu yahay inuusan adiga kuu baahneyn ama wax baahi ah uusan kuu qabin.

Hadiyado iyo faanin

Qof ayaa umaleynaya in tani ay tahay tilmaamta wanaagsan ee lamaane jecel kuna faraxsan xaaskiisa/seygeeda, laakiin sidaasi maahan arrinta.

Ammaanta ama faaninta iyo hadiyado joogto ah ayaa noqon kara waddo lagu qarinayo dambiyada aanan laga hadlin ama lagu daboolayo dhaqamada laga shakin karo.

“Dambigu wuxuu noqon karaa dhiirigelin xoog leh gaar ahaan haddii soo shaacbixidda arrintu ay aad uga xoog badan tahay in la qariyo, dambiga waxaa lagu dabooli karaa iyadoo lamaanaha aanan shakisneyn loola dhaqmayo si kasii wanaagsan sida caadiga ahayd ee horey loola dhaqmi jiray,” ayuu yiri Degges-White oo ah khabiir kale.

Khabiirka, ayaa micnaha dhaqankaan ku tilmaamay ‘Ma joojin karo qiyaanada laakiin waxaan xaaskeyga ama ninkeyga ka dhigi karaa mid igu faraxsan.

© Aayaha

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button