Dib Usoo Celi Farxadda Xaaskaaga Iyo Guurkaaga Adigoo Sameynaya Sadexdaan Waxyaabood

Guurka, mar kasta waxaa jira waqti ay haweeneydaada kugu kacdo ama ay aad kuugu carooto, caradaas oo ka dhalata waxyaabaha qaar.

Mar kasta oo ay kaa carooto gabadha aad ifka ka calmatay waad waajib ku saaran inaad ka dhoollacadeysiiso.

Dhibaatada ugu weyn ee ay raggu qabaan ayaa ah waxa ay sameyn karaan si ay dib ugu soo celiyaan faraxadda xaasaskooda mar kale. Si kastaba arrintaas waa inaysan dhib kugu sii heyn hadda kadib.

Halkaan ka akhriso, qaababka ugu wanaagsan ee uu nin kastaa uga farxin karo xaaskiisa mar kasta oo ay ka carooto.

  1. Raalli geli

Mid kamid ah tallaabooyinka muhiimka ah ee la qaado marki ay xaaskaaga kaa careysantahay ayaa ah raalligelin.

Inkastoo ay suurtagal tahay inaadan ogeyn waxaad sameysay mararka qaar hadana waad liqi kartaa kibirka adigoo ka raalli gelinaya iyada dulmi kasta oo aad u geysatay.

  1. Qof wanaagsan u noqo

Xittaa haddii ay aad kuugu careysantahay isla markaana aysan dooneyn inay kula hadasho, qaabka ugu wanaagsan ee looga dhoollacadeysiiyo ayaa ah inaad u noqoto qof macaan.

Ka faa’ideyso fursad kasta oo timaada oo aad ku tusi karto sida aad u noqon karto qof aad u wanaagsan oo macaan.

  1. Dhageyso

Marka haweeney ay kuu careysantahay, habka ugu wanaagsan ee arrimaha si dhaqsi ah loogu xalin karo ayaa ah inaad dhageysato.

Amaahi dhagahaaga oo dhan oo si degan u dhageyso cabashadeeda adigoo tusaya inaad diyaar u tahay xalinta dhib iyo cabasho waliba.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button