Erayo Jaceyl Oo Ninkaaga Lagu Tuso Sidaad U Jeceshahay

Erayo Jaceyl Oo Ninkaaga Lagu Tuso Sidaad U Jeceshahay

Nin kasta ayaa jecel in xaaskiisa uu ka maqlo erayo jaceyl oo macaan maadaama uu dareemayo kalgacayl iyo rabitaan. Sidaa darteed xaasaskuna waxay tani ka saacideysaa inay si fudud ku hantaan qalbiyada raggooda.

Hoos ka akhriso erayo jaceyl oo ninkaaga loogu muujiyo kalgaceyl iyo rabitaan:

Adigu waxaad tahay dhammaystirka noloshayda. Ma qiyaasi karo hal maalin ood iga maqantahay . Waan ku jeclahay.

Maalin kasta noloshayda waxay ku bilaabataa kuna dhammaataa si dhammaystiran. Waxay ku bilaabataa aragtida wejigaaga, waxayna dhammaataa adigoo gacmahaaga igu haayo fiidkii. Wax kasta waxaan ka jeclahay inaan kula joogo.

Waxaan kuu sheegi lahaa inaad tahay nin kalgaceyl leh iyo aabe cajiib ah. Laakiin aad ayaad uga badan tahay taas – Waxaa tahay tusaalaha nin wanaagsan. Waan ku jeclahay.

Waxyaabo Macaan Oo Lagu Dhaho Qofkaad Jeceshahay Markaad U Xiisto

Ilaahay wuxuu i siiyay hadiyad cajiiba, wuxuu kaa dhigay ninkeyga. Marwalba waan uga mahadnaqayaa hadiyaddan qiimaha badan ee noloshayda. Waan ku jeclahay gacaliyahayga qaaliga ah!

Noloshu waxay ahaan laheyd jahwareer adiga la’aantaa. Adiga oo aan ku heysta waxay la mid tahay inaan adduunka oo dhan heysto.

Ma jiraan wax iiga kaa qiimo badan adiga. Si kal iyo laab ah ayaan kuu jeclahay.

Kuma fasiri karo ereyo jaceylka aan shuruuda laheyn ee aan kuu qabo. Waxaan dareemayaa inaan ahay mid ka mid ah xaasaska ugu nasiibka badan mar hadaan ku helay.

Waxaan guurkeena ka dhigaa mid qaabeysan, waxaad ka dhigtaa mid aad u fiican. Waxaan ka dhigaa mid wax ku ool ah, adigu waad ka dhigtaa mid kaamil ah. Waan ku jeclahay.

Facebook Comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here