Farsamooyinka Maskaxda Ee Raggu Ay U Isticmaalaan Haweenka (Iska Ilaali Gabaryahay)

Qaar kamid ah ragga ayaa ka hela inay ku ciyaaraan haweenka ciyaaro maskaxeysan. Waxay sidoo kale ka helaan inay ku ciyaaraan dareenka haweenka, walaac ku bareen isla markaana jahwareer uga tagaan.

Arrimahan badankood ayaa waxaa sameeya ragga ciyaara, ciyaar maskaxeedka kuwaasoo caadiyan aanan rabin xiriir ama guur dhab ah.

Hadaba gabdho, haddii uu sameeyo waxyaabahan soo socda, fadlan ka carar.

  1. Xiriir u wada jarid

Raga ayaa caadiyan sameeya iney xiriirka kuu wada jaraan marka ey kugu wareeraan, ama ad ujeclaato si kabadan inta uu kujecelyahay, marka ad qiyaanto, ama ad kaga hormarto waxyaabo badan.

Arintaasi ayey haweenku inta badan kuwareeraan oo ka caroodaan, waxeyna taasi dhacdaa inta badan marka ninku uu dhibaato kugaarsiiyo adiguna aad iska marqatirto in mudo ah kahor inta aadan isku dhiibin ugu dambeyn taasi oo keenta inta badan inu kaa wada dhuunto.

Laakiin waxaa xusid mudan in kahor inta uusan kaa tagin ama dhuuman inuu kuu muujin doono daneyn ama xiiso isagoo kuuso diraya fariin qoraaleedyo, wicitaano badan kadibna ay dhacdo inaad aragiisa kudiinto oo uu kaa wada tago isagoo aanan kuu sharixin sababta keentay.

  1. Bixinta hal erey oo jawaab ah ama aamusnaan

Dhaqanka aamusnaanta ah waa dhibka ugu weyn ee dhaawaca xiriirka maadaama ay dadka kale dareemaan inaysan waxtar lahayn.

Haweenka waa kuwo ku raaxeysta wadahadalka joogtada ah misana degan ee ay la yeeshaan ninka ay arkayaan.

Si, kastaba, waxaa la gaaraa meel ay raggaan si kale u dhaqmaan haddii ay noqon lahayd ula kac iyo haddii kale isla markaana ay bilaabaan inay ku jawaabaan hal erey ama ay aamusaan iyagoon waxba oran.

Markii sidan ay kugu dhacdo gabaryahay, madaxaaga wuxuu bilaabaa inuu war wareego isagoo la yaaban waxa ay tahay dhibaatada ama qaladka aad sameysay.

  1. Inuu kula barbardhigo dad kale

Tani waa ciyaar maskaxeedka ugu xun ee aad ku ciyaari karto haweeney. Ragga sidaan sameeya waa kuwo si dahsoon kuugu sheegaya in dadka kale ay kaa wanaagsanyihiin adigana waxaa kugu dhacaya walbahaar.

Sida laga soo xigtay psychcentral.com, waxaad u baahantahay inaad joojiso isbarbardhigga isla markaana aad billaawdo kobcinta xiriirkaaga.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button