Gabar kasta oo neceb ragga noocaan ah

Haddii aad mar kasta la yaabto sida saaxiibkaa uu usoo jiito dhammaan gabdhaha isla markaana adigana ay kuula muuqato inaadan lahayn nasiibkaas, waxaad u baahantahay inaad aqriso halkaan waxa ku qoran.

Hoos ka aqriso saddex nooc oo ragga kamid ah gabar kasta ay necebtahay.

1. Ninka muranka badan

Qaar kamid ah ragga waa kuwo jecel dood iyo muran joogta ah iyagoo jecel in wax kasta oo lagu murmo ay ku guuleystaan balse runta ayaa ah in dhaqankaas aadan gabar kusoo jiidaneyn. Haweenka waa kuwo neceb ragga dooda badan.

2. Ninka haweenka liida/yaso

Ma jirto gabar jecel ninka mar kasta raadiya fursad uu ku liido haweenka. Haddii aad dhaqankaan leedahay kadib masoo jiidan doontid gabar. Haweenka waa kuwo neceb  ragga ka dhiga sidii inay dadka ka liitaan ama yihiin kuwa ugu hooseeya dadka.

3. Ninka u dhaqma sida caruurta

Ragga qaarkood wali waa kuwo u dhaqma sida caruurta oo kale taasoo ah arrin jahwareer iyo dhibaato ku rida haweenka. Haweenka ma jecla ragga u dhaqma sida caruurta sidaa darteed haddii aad dooneysid inaad gabar soo jiidatid waa inaad kortaa oo aad noqotaa nin wanaagsan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button