Gabaryahay Guurso Nin Leh Sifooyinkaan Si Aad Ugu Raaxeysato Guurkaaga

Shabakadda Aayaha, ayaa waxay idiin soo gudbineysaa sifooyinka lagu garto ninka wanaagsan ee u qalma inaad guursato si aad ugu raaxeysato guurkaaga.

UGAAR AH RAGGA: Shantaan Waxyaabood ka eeg Gabadha aad guursaneysid, hadii aysan lahayn ka fogoow

Wuxuu taageeraa riyooyinkaaga

Ninka wanaagsan waa kan dhageysta qorshayaashaada hadii ay noqon lahaayeen kuwo ganacsi ama kuwo kale. Waxa uu ku siiyaa gacan had iyo jeer isagoona ku dhiiri geliya markaadan isku kalsooneyn ee aad u baahantahay dhiiri gelin.

Haweeney kasta waxay mudantahay inay guursato nin jecel isla markaana gacan siiya oo taageera marka ay gacan iyo garab u baahantahay.

Tani waxay kaa caawineysaa in guurkaaga uu noqdo guur farxad leh oo aad ku raaxeysato.

Wuxuu ogyahay in jacaylku ficil yahay

Waanku jeclahay si fudud baa loo dhahaa balse si dhab ah looma muujiyo. Ragga wanaagsan waa kuwo fahamsan tan, isla markaana xaqiijiya inaad arki kartid oo aad dareemi kartid inay ku jecelyihiin balse hadal ahaan kaliya kuuma yiraahdaan.

Waa kuwo kuu ogolaada inaad si wanaagsan u seexato iyagoo hagaajinaya qaar kamid ah alaabta guriga iyo shaqooyinka kale aad qaban lahayd.

Wuxuu kugu dhiiri geliyaa inaad qof wanaagsan noqoto

Haddii uu kugu dhiiri geliyo inaad wanaagsanaato, isla markaana aad qabsato shaqooyinkaaga oo uu dareen gaar ah siiyo caafimaadkaaga, waxaad heshay kii kugu habboonaa.

Ixtiraam badan

Haweenku waa kuwo raggooda uga baahan ixtiraam iyo dareen gaar ah. Helitaanka nin fahma fekerkaaga isla markaana ixtiraama oo aanan xadkiisa ka tallaabin si xushmad darro uusan ugu dhaqaaqin waa wax wanaagsan.

Sidoo kale marka uu wanaag iyo ixtiraam kula dhaqmo qoyska iyo saaxiibada, waa inaad ogaataa inuu yahay nin wanaagsan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button