Gabaryahay Guurso Ninka Leh Siffooyinkaan Wanaagsan (Lama Helo Isaga Oo Kale)

Gabar kasta waxay mudantahay inay hesho oo ay guursato nin wanaagsan isla markaana si wanaagsan ula dhaqma mar kasta.

Shabakadda Aayaha, ayaa waxay idiin soo gudbineysaa siffooyinka wanaagsan ee uu leeyahay ninka wanaagsan oo ay tahay in gabar kastaa ay heshaa.

Hoos ka akhriso.

1. Waa inuu xaaladdaada la socdaa had iyo jeer si walba uu mashquul u yahay.

2. Had iyo jeer waqti ayuu kuu sameeyaa dhib malahan si walba uu mashquul u yahay maxaa yeelay waxaa tahay mudnaantiisa koowaad.

3. Malahan sheekooyin la xiriira arrimo naag ay hore uka tageen micnaha xiriir lama lahan.

4.Hadiyad ayuu kuu keenaa xittaa haddii aysan ahayn dhalashadaada.

5. Waxa uu u dhaqmaa si jilicsan go’aan ayuuna leeyahay, saaxiibadiis ama dad kale go’aan uma sameeyaan.

6. Waxa uu ogyahay sida loo daryeelo naftiisa.

7. Waxa uu ogyahay sida laguu dajiyo marka aad niyad jabsantahay.

8. Had iyo jeer waaku garab taaganyahay haddii xittaa qaldantahay.

9. Waxa uu u dabaal degaa guushaada waana taageerahaaga ugu weyn.

10 Wuuku daryeelaa.

11. Waxa uu ogyahay waxyaabaha aad jeceshahay.

12. Waxa uu jecelyahay inuu waqti la qaato caruurta.

13. Ma baxo maalintii isagoon aanan kusoo wicin ama aanan kula soo xiriirin, si dhow ayuu kuula socdaa.

14. Ma jiraan waxyaabo sida nambarro dhib keenaya oo telefoonka ugu jira waxna kaama qariyo.

15. Wuxuu jecelyahay inuu kula ciyaaro.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button