Gabaryehey Guurso Ninka Haddii Uu Leeyahay Sifooyinkaan

Miyuu nin kasta u qalmaa guur? Shaki ayaan ka qabaa taas. Xaqiiqda ah inuu noqon karo nin wnaaagsan micnaheeda ma ahan inuu nin wanaagsan yahay. Ninkasta uma qalmo guur.

Gabaryehey Guurso Ninka Haddii Uu Leeyahay Sifooyinkaan.

1. Waxaad leedihiin xiriir isfaham ku dhisan

Isfahamka waa mid aad muhiim ugu ah xiriirka mana ahan waxaad dhiseysid markaad isguursataan; Wuxuu ka bilaawdaa xiriirka. Sidee ayuu ahaa xiriirka aad lala lahayd? Ma ahaa mid isfaham leh, mise waxa uu ahaa mid dagaal iyo qeylo usaaxiib ah?

Haddii Ay Gabadhu Leedahay Calaamadahan, Fadlan Guurso Intaanan Lagaaga Hormarin

2. Si dhab ah ayuu kuu jecelyahay

Waa inaad xaqiijisaa inaad guursaneysid nin si dhab ah kuu jecel. Haddii uu si dhab ah kuu jecelyahay dabadeed guurka wuu u qalmaa, waxa mar kasta wanaagsan inaad guursatid qof si daacad ah kuu jecel.

3. Waa daacad

Haddii ninka uu ahaa mid aan daacad ahayn oo aanan aamin ahayn xilligaa shukaansaneysay, waxay u badantahay in sidaas uu ahaa markaad guursato uu qiyaanada meesha kasii wado. Haddii ninkaaga uu daacad yahay guurso wuu uqalmaa.

4. Wuxuu kusiiyaa waqtigiisa

Dareenka waa mid muhiim u ah gabar kasta; ninka ku siiya dareen wanaagsan oo isha kugu haaya waa mid u qalma guur.

5. Waa garabkaaga

Haddii ku garab taaganyahay isla markaana uu taageero kuu yahay, Ninkaas waa mid u qalma inaad guursato.

Ninka leh calaamadahan waa mid mudan inaad gacanta ku dhigto.

Gabaryehey Guurso Ninka Haddii Uu Leeyahay Sifooyinkaan sababtoo ah waa nin u qalmo guur.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button