Ha Iska Deyn Gabadha Haddii Ay Leedahay Afartaan Sifood

Xaaskaaga waa mid ay adagtahay in la helo iyada oo kale haddii ay leedahay afartaan sifo.

  1. Waa qof nafta kuu hurta

Miyay tahay qof kaa dambeyso isla markaana kugu taageerta waxyaabaha aad sameysid  xittaa iyadoo aanan ku qanacsaneyn ama ay ku adagtahay? Miyay tahay qofka ku garab qabta waqtiyadaada adag? Taasi waa sifo lagu garto.

Waxaad meel ku qorataa in haweeneyda leh sifooyinkaan ay istaahisho daacadnimo iyo dhaqan wanaagsan, wanaageeda marnaba ha ugu abaal gudin xumaan.

  1. Waa saaxiibka ugu wanaagsan

Haddii ay ku dhageysato isla markaana ku siiso taageero kuu ogolaata inaad qalbigaaga iyo niyadaada u furto, qiimaheeda meel ha uga dhicin. Waxaad ogaataa inaad heysatid xaas wanaagsan.

Haddii aad ku aamini kartid noloshaada isla markaana waligaa aysan ku qiyaanin taas ku kalsoonoow, waa yaryahay jacayl ay kalsoonidiisa halkaasi gaarto.

  1. Jacaylkeeda waa shuruud la’aan

Si kasta oo ayxaaladu noqoto, waxay rabtaa adiga kaliya mana kugu xirto shuruud, taasina waa haweeney aanan la iska sii deyn oo labada gacmood lagu qabsado.

  1. Waa mid aanan dhib badneyn

Ma jirto dhibaato iyo ciyaar ciyaar, waa haweeney ku xushmeysa kuna ilaalisa, ma jirto wax aad dhibsaneyso oo ay sameyso haddii ay noqon lahayd saaxiibo ay la socoto ama wareeg iyo waxyaabo kale, waana mid had iyo jeer ka fekerta maskaxdaada isla markaana uu ku weynyahay hadalkaaga.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button