Haddii Aad Dooneysid In Xaaskaaga Ay Aad Kuu Jeclaato, Waxyaabahan U Sameey

Sida aad ugu baahantahay in lagu ixtiraamo ayay xaaskaagana ugu baahantahay ixtiraam. Xushmad ka dhexeysa labada lamaane waa wax lama huraan ah oo uu u baahanyahay guur kasta.

Iftiimi guurkaaga adigoo xoogaa xushmad ah tusaya xaaskaaga. Xasuuso inay iyadu ku xushmeyn doonto markaad adiga xushmeyso iyada.

Marka sidee taas u sameyn kartaa? Hoos ka akhriso 4 siyaabood oo xaaskaaga ixtiraam loogu muujiyo.

  1. Indhaha ku haay

Waxaad ixtiram ku tusi kartaa xaaskaaga adigoo isha ku heynaya iyada kaliya. Waxaan ula jeeda ha amaanin hana umahad celinin haween aanan iyada ahayn.

Ha ogaato inay kugu filantahay adigoo aanan la barabardhigeyn haween kale.

  1. Ballamahaaga ka dhabeey

Ilaalinta ballamaha waa astaan ixtiraam, qiimeyn iyo sharaf. Mar kasta oo aad wax u ballan qaado xaaskaaga isku day intaad awoodo inaad ballantaas kazoo baxdo.

Waxay muujineysaa daacadnimo iyo xushmad.

  1. Mudnaan sii

Xaaskaaga way ku jeclaan doontaa six ad dhaaf ah waliba, markaad iyada ka dhigto mudnaanta koowaad. Mar kasta oo aad rabto inaad wax sameyso la tasho.

Ha sameyn go’aano adigoo aanan ka qeyb gelin.

  1. Ixtiraam oo ku taageer himilooyinkeeda

Waxay leedahay riyooyin iyo himilooyin sida adiga oo kale. Waxay u baahantahay inaad ku taageerto himilooyinkeeda si ay uga guul gaarto.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button