Haddii Aad Ninka Ku Aragto Calaamadahan Gabaryahay Iska Jir - Aayaha

Haddii Aad Ninka Ku Aragto Calaamadahan Gabaryahay Iska Jir

Marka ninku kuu gaado jaceyl waali, taasi waxay isku bedeli kartaa halis, xittaa wuxuu kugu dhaawici karaa magaca jacayl.

Sidaa darteed, side ku ogaaneysa in ninku jaceyl waali ah kuu qaaday?

Haddii ninkaaga ama saaxiibkaa uu lasoo baxo calaamadahan, aad u taxadar.

  1. Qiyaano ayuu kugu eedeeyaa

Xittaa caddeyn ma hayaan balse waxay mar kasta u maleeyaan inaad qiyaaneyso sababtoo ah aad ayaad u qurux badantahay ama wuxuu ku arkay adigoo nin kale la hadlaayo.

  1. Firaaqo kuma siiyo

Way adagtahay inaad hesho waqti kaligaa ah. Taasi waxaa sabab u ah wuxuu u heystaa inaad qiyaaneysi haddii uusan si dhow kuula socon. Taasi maahan jacayl waa mashquulin.

  1. Xornimo kuma siiyo

Xushmad uma u haayo xornimaada, aad ayuuna ula socdaa tallaabo kasta oo aad qaado. Wuxuu aqrinayaa farriimahaaga isagoo xittaa kuweydiinaya lambar sireedyada barahaaga bulshada si uu u xaqiijiyo inuusan jirin nin xiriir kula leh.

  1. Wuxuu kaa ilaaliyaa dadka aad jeceshahay

Kuuma sheegi doono inaad joojiso aragtida saaxiibadaa ama booqashada qoyskaaga inbadan balse wuxuu billaabi doonaa inuu cabto inaadan waqti badan la qaadan.

Wuxuu rabaa inaad ag joogto mar kasta isagoo maseeraya markaad waqti la qaadato dad kale.

  1. Maseyr badan

Maseyr yar waa caadi balse haddii ninkaaga uu aad uga maseyro in saaxiibadaa aad lasoo dalxiisto ama meel u raacdo waxay noqon kartaa inuu kugu waashay.

  1. Farriimo badan

Waa inuu kula socdaa balse ma ahan 15 daqiiqo walba kadib. Wuxuu u baahanyahay inuu ogaado inaad leedahay nolol aanan agtiisa xirneyn.

Waa inuu kuu ogolaadaa inaad hawo qaadato isla markaan uu ku siiyo fursad uu ugu yaraan kuugu xiiso.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button