Guurso Ninka Hadaad Ku Aragto Sifooyinkaan Cajiibka ah

Shabakadda Aayaha, ayaa waxay idiin soo gudbineysaa tilmaamaha ninka wanaagsan ee ay tahay inaad guursato si aad u gasho guur aad ku qabowsato kuna raaxeysato inta noloshaada ka dhiman.

Haddii aad ninka ku aragto tilmaamahan yuusan kaa fakan.

1. Kalgacayl iyo naxariis

Loomaha baahna in arrintaana la sii sharaxo, waxaa hubaal ah inaadan rabin inta noloshaada ka hartay inaad la qaadato qof aad adigu jeceshahay laakiin isagau aanan ku jecleyn.

Sidaa darteed, hubi in ninka aad dooneysid inaad guursato uu yahay nin kalgacayl leh, qalbi wanaagsan oo naxariis leh.

2. Daacadnimo

Run ahaantii, qof daacad ah oo aanan lahayn wax taariikh qiyaano ah ma gelin doono maskaxdaada shaki iyo maseyr laakiin waxaad ka heli doontaa xasilooni dhanka maskaxda ah.

Waxaad ku raaxeysan doontaa noloshaada guurka waxayna noqon doontaa mid wax soo saar iyo farxad leh haddii aad hesho xasilooni maskaxeed.

3. Nin Daacada, xilkas ah, oo aamina

Nin daacad ah oo masuul ah isla markaana aamin ah, waa nooca ninka ay gabar waliba ku duceysto, waana nin u qalma guur iyo hogaaminta qoys.

Waxaa buuxa rag badan oo daacadnimo iska daaye xittaa dayacay masuuliyaddii saarneyd.

Ma jirto haweeney rabta nin aanan masuul ahayn oo aanan la isku haleyn Karin sababtoo ah nin noocaas ah ma hogaamin karo qoys.

4. Mahadnaq

Ninka aanan kaaga mahadnaqin dadaalkaaga isla markaana aanan qiimeyn guulaha aad gaartay had iyo jeer wuuku liidi doonaa ama wuxuu kaa dhigi doonaa qof hooseeya arrintaas oo kuu horseedi doonta in kalsoonida ay kaa lunto.

Sidaa darteed, raadso nin kor kuu qaadi doona oo ku dhiiri gelin doona.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button