Haddii Aadan Rabin Inaad Murugo Ku Noolaato, Waa Inaadan Arrimahaan Waligaa U Sameynin Lamaanahaaga

Waa wax lala yaabo mararka qaar waxyaabaha ay dumarku jacayl dartiis u sameeyaan si ay u farxad galiyaan ragooda. Xittaa qaarkood aad ayay isku dayacaan inta ay ku dadaalayaan qancinta raggooda iyo sidii ay u ilaashan lahaayeen.

Si kastaba ha noqotee, xaqiiqda ayaa ah in waxyaabaha qaar ee ay u sameeyaan magaca jacayl dartiis  inaysan ahayn waxyaabo wanaagsan oo la sameeyo.

Hoos waxaad ka akhrisataa 3 arrimood oo ay tahay inaadan waligaa u sameyn nin sabab jacayl ah darteed;

1. Bedelid muuqaalkaaga

Ha u bedelin muuqaalkaaga ninkaaga dartiis iyo siduu rabo inaad noqoto. Waa inuu kugu jeclaadaa sidaa tahay oo uu ilaahay (SWT) kuu abuuray.

Haddii miisaankaaga, timahaaga ama qaabkaaga run ahaantii ay dhib ku hayaan, way iska cadahay inuusan kugula joogin sababo sax ah.

Isbedel waliba oo aad ku sameyneyso muuqaalkaaga waa inaad u sameysaa rabitaankaaga, ma ahan inaad u sameysid rabitaanka ninkaaga ama qof kale.

2. Guulahaaga inaad joojiso

Haddii ninkaaga waligiis uu ku geliyo xaalad ah inaad kala dooratid riyooyinkaaga shaqo iyo isaga, fadlan naftaada kahor mari. Ha yeelin in jacayl uu ku indha tiro isla markaana kaa weeciyo diiraddaada iyo hammigaaga.

Waa riyadaada waxna haku doorsan. Halkii aad la joogi lahayd qof noocaas ah oo madax xanuun kugu ridaya, la joog qof garab ku siiya isla markaana ku farxi doona guushaada.

3. Ha yeelin waxaadan ku qanacsaneyn

Haddii aadan ku qanacsaneyn dalabkiisa, uma baahnid inaad qarisid si aad u caddeyso jacaylka aad u qabto.

Waxaa tihiin dad kala duwan oo leh doorashooyin kala duwan, fikrado kala duwan, waaya aragnimo kala duwan iyo wax intaas kasii badan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button