Haddii uusan ninka kuu sameyneyn waxyaabahan aasaasiga ah, laba jeer ka feker - Aayaha

Haddii uusan ninka kuu sameyneyn waxyaabahan aasaasiga ah, laba jeer ka feker

Waxaa jira waxyaabo lagu garan karo haddii ninka uu yahay mid jacaylka wax ka yaqaan ama inkale.

Ha jeclaan nin kasta oo aad waddooyinka kula kulanto.

Waxaad u baahantahay nin wanaagsan si noloshaada aad u hagaajiso.

Haddii uusan kuu sameyn waxyaabahan, laba mar ka feker.

  1. Nolosha ayuu wax kaa baraa

Waxyaabo badan ayuu ka bedeli doonaa noloshaada markaad hesho nin kugu haboon oo wanaagsan.

Ninka noocaas ah wuxuu ku bari doonaa waxyaabo cusub oo ku saabsan nolosha marka aad la kulanto.

Waxa uu hubin doonaa inuu soo saaro wanaagaaga iyo wajigaaga wanaagsan.

Dhib uma mari doontid inaad hesho guur farxad leh iyo nolol aad ku qanacsantahay markaad hesho nin wanaagsan.

  1. Dhoollacadeyn

Ninka wanaagsani waa ilo farxad leh. Waa inuu fahamsan yahay sida lagaaga dhoollacadeysiiyo waqti kasta.

Waa inuu noqdaa mid kaa qosliya mar kasta oo aad niyad jab dareemeyso ama aysan wax noqon sidii dooneysay.

  1. Kalsooni

Haweenka badankood waxay ka cawdaan kalsooni darro. Wuxuu had iyo goor haweeneydiisa siiyaa kalsoonida iyo kalagaceyl.

Ninka noocaas ah ayaa haweeneyda dareensiiya in la jecelyahay isagoona kalsooni galiya waana nooca raga ay haweenka jecelyihiin.

Wax kasta ayuu sameeyaa si uu farxad u siiyo haweeneydiisa.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button