Haddii Xaaskaaga Ay Sameyso Waxyaabahan, Si Daran Ayay Kuu Jeceshahay

Shabakadda Aayaha, ayaa waxay idiin soo gudbineysaa waxyaabaha lagu garto marka ay Xaaskaaga aad kuu jeceshahay.

Hoos waxaad ka akhrisan kartaa 9 waxyaabood oo haddii ay Xaaskaaga sameyso ay hubaal tahay inay si daran kuu jeceshahay.

1. Haddii aysan gabadhu caroonin markaad kahor timaado fikradeheeda, way ku jeceshahay.

2. haddii ay murugooto markaad careysantahay ama aad murugeysantahay, gabadhaas way ku jeceshahay.

3. Haddii ay had iyo jeer kula tashato kahor inteysan waxsameyn ama aysan go’aan qaadanin, way ku jeceshahay.

4. Haddii ay mar kasta isku daydo inay ku caawiso oo ay xittaa qaar kamid ah shaqooyinkaaga kuu qabato, way iska cadahay jacaylka ay kuu qabto gabadhaas.

5. Haddii ay kaa walwasho markaad maqantahay, aad ayay kuu jeceshahay gabadhaas.

6. Haddii ay sameyso wixii kaa farxiya isla markaana aysan mar kale sameyn wixii kaa careysiiya, way ku jeceshahay.

7. Haddii ay aad u faraxdo markaad u keento hadiyad xittaa haddii ay yartahay, way ku jeceshahay.

8. Haddii ay qaadato talooyinkaaga, wixii dhaaf mar aad dhahdana aysan mar kale sameyn , way ku jeceshahay.

9. Haddii ay kuugu samirto culeysyada nolosha isla markaana ay kugu taageerto halgankaaga, waxaa hubaal ah inaadan heli doonin qof lamid ah.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button