Hafuus Cabdullahi oo ah gabadhii Aabeheed siisay qeyb kamid ah beerkeeda oo isbitaalka kasoo baxday (Akhri) - Aayaha

Hafuus Cabdullahi oo ah gabadhii Aabeheed siisay qeyb kamid ah beerkeeda oo isbitaalka kasoo baxday (Akhri)

Xafuus Cabdullahi oo ah gabadhii Aabeheed siisay qeyb kamid ah ayaa ugu dambeyn kasoo baxday isbitaal ku yaala dalka India.

Qoraal ay Xafuus Cabdullahi soo dhigtay barta ay ku leedahay Twitter-ka ayay ku shaacisay inay ugu dambeyn kasoo baxday isbitaalka.

“Alxamdulilaah. Ugu dambeyn waanka soo baxay isbitaalka. Aabaheyga qaaliga ah, aad ayay ii xanuunjisay inaan arko adigoo xanuunsan, inaan kusiiyo qeyb kamid ah beerkeyga si aan u bad baadiyo naftaada qiimaha leh waxay ahayd ugu yaraan waxaan sameyn karay haddii aan ahay gabadhaada. Waanku jeclahay Aabe. Waxaa tahay nolosheyda oo idil, waxaan kuu rajeynayaa soo kabasho guul leh. Ayay tiri Hafuus ku tiri qoraal ay soo dhigteeda barteed Twitter-ka.

Go’aanka ay Hafuus qeyb kamid ah beerkeeda ugu siisay aabeheed ayaa si weyn usoo jiitay bulshada Soomaaliyeed eek u nool dalka iyo dibaddiisa kuwaas oo go’aankeeda ku tilmaamay mid halyeeynimo ah oo ku dayasho mudan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button