Haweeney Kasta Oo Ku Duceysata Nin Leh Calaamadahan

Haddii aad rabtid inaad noqotid seeyga ay haweeney kasta jeceshahay inay hesho, waa kuwaan 30 sifood uu leeyahay seeyga wanaagsan.

1. Seeyga wanaagsan waxa uu jecelyahay tayooyinka wanaagsan ee ay leedahay xaaskiisa isagoo ku qaata cilladeheeda.

2. Seeyga wanaagsan waxa uu qaataa mas’uuliyadda qaladkiisa cidna dusha kama saaro.

3. Seeyga wanaagsan waa kan ku kalsoon xaaskiisa mana ahan kan baara taleefanadeeda iyo kombiyuutaradeeda si uu uga hello caddeymo.

4. Seeyga wanaagsan waa kan had iyo jeer u taagan xaaskiisa marka ay u baahantahay xitta haddii ay ku adagtahay.

5. Seeyga wanaagsan waa kan la tashada xaaskiisa kahor inta uusan qaadan go’aamo dhaqaale.

6. Seeyga wanaagsan waa kan waqti la qaata xaaskiisa.

7. Ninka wanaagsan waa kan xushmeeya xaaskiisa oo marka ka qeyb galiya go’aanada uu qaadanayo, haddii ay yihiin kuwo waaweyn ama kuwo yar.

8. Ninka wanaagsan waa kan had iyo jeer ku dadaala inuu daboolo baahida dhaqaale ee qoyskiisa.

9. Ninka wanaagsan waa kan lagu tiirsanyahay oo ay xaaskiisa had iyo jeer ku kalsoontahay.

10. Ninka wanaagsan waa kan bannaanka keena wanaagga xaaskiisa.

11. Seeyga wanaaagsan ma baabi’iyo riyooyinka iyo rajooyinka xaaskiisa uu jecelyahay.

12. Seeyga wanaagsan waa kan had iyo jeer amaana xaaskiisa isla markaana aanan marnaba joojin inuu u sheego waxa ay jeceshahay.

13. Seeyga wanaagsan waa kan ku dadaala sidii guurka u shaqeyn lahaa.

14. Seeyga wanaagsan waa kan xaaskiisa ula dhaqma sidii boqorad oo kale.

15. Seeyga waangsan waa kan shaqada guriga ku caawiya xaakiisa.

16. Seeyga waa kan og sida xaaskiisa looga qosliyo.

17. Seeyga wanaagsan waa kan xaaskiisa ku sharfa bulshada dhexdeeda.

18. Seeyga wanaagsan waa kan aaminka ah oo xaaskiisa siiya kalsooni.

19. Seeyga waanaagsan marnaba gacan uma qaado xaaskiisa.

20. Seeyga wanaagsan ma dayaco baahida galmo ee ay qabto xaaskiisa waa kan hubiya inuu ku qanciyo sariirta.

21. Seeyga wanaagsan waa kan heshiiska ogol si uu uxaqiijiyo in xaaskiisa ya faraxsantahay.

22. Seeyga wanaagsan waxa uu xushmeeyaa qoyska iyo saaxiibada xaaskiisa.

23. Seeyga wanaagsan waligiis ma qiyaano xaaskiisa.

24. Seeyga wanaagsan waa kan raali galinta bixiya marka uu qaldanyahay.

25. Seeyga wanaagsan sidoo kale waa aabaha wanaagsan ee caruurtiisa.

26. Seeyga wanaagsan mar walba xaaskiisa ayuu soo hormariyaa.

27. Seeyga wanaagsan waa dhageyste wanaagsan, xaas walba waxay rabtaa in warkeeda la dhageysto.

28. Seeyga wanaagsan waxa uu daryeelaa muuqaalkiisa mana isdayaco.

29. Seeyga wanaagsan waa deeqsi.

30. Seeyga wnaaagsan waa kan dareensiiya baahiyaha xaaskiisa.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button