Haweeney Seygeeda dul dhigtay ganaax lacageed haddii uu guriga kasoo daaho

Haweeney dhibaato ku qabta seygeeda oo aad u soo daaha ayaa ugu dambeyn kusoo rogtay ganaax layaab leh.

Haweeneyda oo aanan magaceeda la shaacin ayaa seygeeda mar kasta uu soo daaho dul dhigtay ganaax lacageed oo dhan $50(£38) haddii uu dhaafo 5am.

Lamaanaha oo isqaba muddo laba sano ah ayaa midba midka kale waxa uu ku dhibtooday dabeecaddiisa, sida ay haweeneydaan ku sheegtay qoraal ay soo dhigtay boggeeda Reddit.

“Saaxiibkeey waxa uu yeeshay saaxiibo cusub iyaga ayuuna intabadan fasaxa usbuuca 3-5am lasoo qaata,” ayay ku tiri qoraal ay soo dhigtay boggeeda Reddit.

‘Ma weydiiyo cidda uu la joogo ama waxa uu sameynayo kahor inta uusan tagin. Ma dhibo marka uu maqanyahay. Waxaan rabaa inuu heysto firaaqadiisa sababtoo ah bini aadamka way mudanyihiin taas.

Waxay sheegtay in wali ay idhibeyso inuu waqti dambe yimaado iyo dhaqanka uu lasoo baxay saaxiibkeed.

Waxay tilmaamtay inaysan dhibaato weyn ku qabin bixitaankiisa balse xaqiiqda ay tahay in isaga uu caroodo marka ay banaanka aado taasoo ay sheegtay inay dartiis u joojisay.

Ugu dambeyn haweeneyda ayaa keentay sharci qabanaya labadooda si cadaalad looga dhigo.

“Haddii labadeena mid kamid ah uusan joogin guriga 4am, waa inaan midka kale siinaa 50$ qofna uusan sii careysnaan Karin,” ayay tiri.

Sababta ayay ku sheegtay inay tahay inuu ka daalo bixinta 50$ isla markaana uu guriga yimaado waqtiga la rabo ama lagu heshiiyay.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button