Haweeneyda Leh Lixdaan Calaamadood Waa Inaysan Kaa Fakan (Labada Gacmood Ku Qabso)!

Haweeneyda leh lixdaan sifood ee hoos ku qoran waa inaysan kaa fakan labada gacmood ku qabso.

1- Haweeneyda ogol inay fursad kale ku siiso ayaa ah tan ugu wnaaagsan ee aad u baahantahay, uma baahnid haweeney aananan dooneyn inay ku dhageysato si aad ugu sheegto waxa qaldan, waxaad u baahantahay qof arka qaladaadkii aad sameysay waqtiyadii lasoo dhaafay isla markaana ogol inuu kaa caawiyo inaad ka gudubtid cilladahaas.

2- Ma jiro bini aadam aanan cillad lahayn, sidaa darteed inagoo leh cilladahaas Ayaan u bahaanahay in nala jeclaado waana u qalanaa, waxaad rabtaa qof doonaya inuu ku samatabixiyo, isla markaana kaa caawiyo inaad noqoto qof wanaagsan ma ahan qof doonaya inaadan cillad yeelan, micnaha hadalkaan ayaa ah haweeneyda boqoradda ah ee nolosha wax ka taqaan waa tan kugu qaadata cilad walba.

3- Waxaa jira oraahyo oranaya wanaagga haweeneydaada waxaad ka arki kartaa sida ay ula dhaqanto waalidkeed iyo walaalaheed, haddii lamaantaada ay qoyskeeda ula dhaqanto si xushmad iyo kalgacayl leh taasi waa fursad xoog leh oo muujineysa in adigana sidaa ay kuula dhaqmi doonto, hadalkaan micnihiisa ayaa ah guurso haweeney xiriir wanaagsan laleh qoyskeeda.

4- Waxaa jira dad dila riyadaada, iyo kuwo kaa caawiya inaad riyooyinkaaga aad dhistid, waxaad u baahantahay haweeney talo wanaagsan ku siisa kaana caawisa in riyooyinkaaga aadka guul gaartid, qaar kamid ah haweenka kama welwelaan noloshaada inta ay howlohoosa iyo noloshooda caadi u tahay.

5- Haweeney ku qacan qabata waa tan aad u baahantahay sababtoo ah waa taas tan kugu taagereysa inaad guul ka gaartid dadaalkaaga iyo hammigaaga iyadoo teedanan wadata,waxay aaminsantahay in berri ay maalin wanaagsan kuu noqon doonto waa tan kugu qacan qabata marxaladaha xun kuguna taageerta.

6- Qof kasta ayaa sameeyo qalad iyo go’aanno qaldan mararka qaar, Waxaa aad muhiim u ah inaad heysatid qof ku garab istaaga isla markaana kuu sheega waxa qaldan, cilmi baaris ayaa soo bandhigtay in ragga ay doonayaan inay helaan lamaan daacad ah oo garab istaagta, haddii aad heshay haweeney daacad ah yeysan kaa fakan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Back to top button