Haweenka Leh Tilmaamahan Oo Noqda Xaasas Wanaagsan - Aayaha

Haweenka Leh Tilmaamahan Oo Noqda Xaasas Wanaagsan

Nin waliba wuxuu leeyahay aragtiyo ugaar ah marka laga hadlayo sida ay ula muuqato ama ay ula egtahay haweeneyda wanaagsan. Waxaa jirta haweeney nin kasta si gaar ah ugu dhadhanta.

Haweeneyda wanaagsan ayaa lagu garan karaa tilmaamaha qaar oo ah tilmaamo aysan lahayn haweeney kasta.

Xaaska wanaagsan ama gabadha noqon karta xaas wanaagsan waxay leedahay sifooyinkaan soo socda.

1. Waxgarad

Waxaa laga hadlayaa markaan awooddeeda maskaxeed. Waa inay gaarto go’aano waafi ah waana inay noqotaa qof qorshe wanaagsan.

2. Daacad

Naag daacad ah ayaa kuu sheegi doonta waxa aysan jecleyn taasi waa hadii aad ka gudubto wadadeeda. Waxay jeceshahay inay runta sheegto intii ay aamusi lahayd.

3. Way isdajisaa markaad isku dhacdaan

Haweeneyda qiimaha leh ee noqon karta xaas waa tan Markay xanaaqdo is dejiso isla markaana arrinta u wajahdo si deganaan leh. Si caro leh markaad ula hadasho iyadana kuuguma jawaabto si caro leh taas badalkeedana waxay si degan u raadisaa wadooyin lagu xalin karo xiisadda idiin dhexeysa.

4. Waxay ku nooshahay heerka nolosha markaas ay ku jirto

Waa haweeneyda noocaas ah ee aan dhib ku qabin waxay dadku ka yiraahdaan nolosheeda iyo siday uga hadlaan. Waa qof ku faraxsan nolosha ay markaas ku jirto heer walba oo ay tahay.

5. Maskax wanaagsan

Iyadu waa qof han leh oo kalsooni ku qabta inay wax kasta ka guul gaari karto.

6.Kalgaceyl

Waxay jeceshahay oo ay ay si wanaagsan ula dhaqantaa qof kasta oo u dhow mana ahan haweeney caro ama cuqdad badan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button