Haweenka Oo Neceb Ragga Noocaan Ah

Waxaa jiraan ragga qaar oo ay adagtahay in haweeney ay la dhaqanto sababtoo ah waxay leeyihiin dabeecado ay adagtahay in haweeney ay ugu dulqaadato.

Hoos ka akhriso.

1. Ninka carada fudud

Ma jirto haweeney uu ku fiicanyahay ninka si fudud uga carooda waxyaabo aan micno lahayn. Ninka waxgaradka ah waa inuu awood u yeeshaa inuu si fiican u maareeyo isku dhaca.

Nin si joogto ah ugu qeyliya lamaanihiisa kuma fiicno gabar kasta.

2. Ninka si fudud u maseera

Inaad la joogto nin dabagal iyo maseer badan waa xanuun iyo kurbo. Ninka u arka nin kasta oo xaaskiisa ama gabadha uu jecelyahay la hadlo inuu halis ku yahay xiriirkiisa uma diyaarsana xiriir iyo guur midkoodna.

Xittaa gabadha uu jecelyahay ama xaaskiisa ah ayaa dhibsaneysa ninka noocaas kana dhaqaajineysa ugu dambeyn.

3. Ninka xukunka badan ee raba in wax walbo siduu rabo loo sameeyo

Ninka jecel in wax kasta siduu rabo loo sameeyo ee amar ku taagleynta wuxuu rabaa in haweeneydiisa uu ku amro waxay sameyneyso.

Wuxuu doonayaa inuu doorto asxaabtaada, go’aansado sidaad u labisato iyo guud ahaan sidaad ugu nooshahay noloshaada.

4. Ninka daacad aanan ahayn

Waa inaadan la joogin nin aanan hubin inuu ku jecel yahay iyo inkale. Waxaad mudan tahay nin si sax ah u garanaya dareenkiisa adiga kugu aadan oo loola jeedo nin og inuu ku jecelyahay isla markaana diyaar u ah inuu dhexda kuu xirto.

5. Ninka mar kasta ku liido

Waa inaad iska ilaalisaa nin ku raaxeysta inuu ku liido ama ku yaso. Marna ha aqbalin in sidaas laguula dhaqmo adigoo isdhahaya lamaanahaaga yuusan kaa tagin oo kalinimo haku noolaanin.

6. Ninka ay adagtahay in laga farxiyo

Ragga qaar waa kuwo ay aad u adagtahay in laga farxiyo si walbo oo aad iskugu daydo. Ragga noocaas waligaa kama farxin doontid wax walbo oo aad u sameyso.

Inaad la joogto nin noocaas ah waxay baabi’ineysaa kalsoonidaada haween ahaan.

7. Ninka xadgudubka badan

Ma jirto sabab loola joogo nin xadgudub badan. Ma jirto gabar ay ku fiicanyihiin ragga xadgudubka u saaxiibka ah sababtoo ah xadgudubka wuxuu noqon karaa mid jireed iyo mid afka ah intaba.

Ma jirto qaab loola dhaqmi karo nin kuu gacan qaadaya ama ku aflagaadeynaya waana taas sababta nin noocaas ah uusan ugu fiicneyn gabar kasta.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button