Heesta Bishaaro ee Fanaanadda Nimco Dareen oo qoraal ah (Ka Bogasho Wacan)

jacaylkiyo barashadii

barwaaqada ii hor kacay

aan kuu balbalaadhiyee

bildhaantiyo aragtidii

halkaad hakis iigu timid

bad iyo wabibay lahayd

naqiyo doogbay lahayd

biyihiyo raysbay lahayd

banaan simanbay lahayd

 

kuu boholyoobayoo

naftaa ku baxnaanisee

bushaaro ku soo dhawee

 

socodkiyo baafintii

baryo aan koobi jiray

aan kuu balbalaadhiyee

bilicdiyo eegmadii

bartii kulankii cishqiga

tilmaan boqranbay lahayd

 

nasiib baxsanbay lahayd

buruuj adagbay lahayd

bartii caashaqay ahayd

 

dhirbaad dhalatayoo

ii soo baxdee

bogaya ku dheehantee

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button