Heesta Nafyahay cadawgeeda jecel ee Fanaanadda Shaadiya Sharaf oo qoraal ah (Ka Bogasho Wacan)

Nafyahay uurarta ceel

Inbadan sii carartayee

Kasoo celin weydayee

 

Nafyahay cududaar la’aan

Cidlada la fariisiyay

Anoo cabashadu dhibtaa

 

Nafyahay calmashadu hodee ay hoddeee

Caashaqu meel dheer ka ridayee

 

Nafyahay ciil buuxsantee

Markay cadda sookacdaba

Uurkaa dib u celinayaa

 

Nafyahay cadowgeeda jecel

Kun jeer la colaadiyèe

Haddana calanka usiddaaa

 

Nafyahay calmashadu hoddee ay hoddee

Caashaqu meel dheer ka ridayee.

Xuquuqda qoraalka waxaa iskaleh Masuul

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button