Heesta Waxaan aamusnaado ee Faanaada Binti Cumar Gacal oo qoraal ah (Akhriso)

Waxaan aamusnaado

ildhukeyn daraadi

afka gacaanta saaro

jacayl iga adkaaye

 

nabaarada afkoodiyo araamidii sii

ogaada ku faftaan

la adkaysan waaye.

 

Ifka kaan ka dortow

ibtiladaan ii haysiyo

eedadka ashaqaa

adigay igu beeraye

 

Markad aragtaa awgaa

inaan ku ildaranahay

waxan uurka ka jirin

isa soo abaaraaye

 

adna dabaq banaaniyo

igu dhaftay omaaney

i dishaaye asaaqa

dadka kaad u jeceyshahay

aduunyada dushedaana

istaarexku noolow

 

Hadii aad moday aaqiro

Inay ehelo leedahay

La’iskuma aqoonsado

 

Kuu imaan maayaan

Aabo iyo adeerkaa

Adigoo arkaayana

Arxan kuuma galaaya

 

Aduunkaan aanu joogniyo

Ruux ku aaminay

hadaan loo abaal gudin

Aaqirana abuur cunay ka aba

 

Waxaan ahay asaagaa

Dadka kaa ishaartoo

erayda aan ku leeyahay

??

sida roon rabaa ogee

adna dabaq banaaniyo

igu dhaftay omaaney

i dishaaye asaaqa

dadka kaad u jeceyshahay

aduunyada dushedaana

istaarexku noolow

(Masuul)

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button