Iska Ilaali inaad 3 waxyaabood ku sameyso Xiriir Cusub

Ma jiraan wax ka macaan inaad qof jeclaato isla markaana qofkaas cusub aad u ogolaato noloshaada.

Marka uu xiriirka bilaabanayo waa waqti laba lamaane ay isku dayayaan inay isla qabsadaan isla markaana ay waxbadan iska bartaan.

Si, kastaba, waxaa jiraan waxyaabo haweeney kasta ay tahay inay iska ilaaliso inay sameyso billoowga xiriirka.

  1. Ha deg degin

In billoowga xiriirka aad lamaanahaaga u ogolaato in maskaxdiisa ay nabad hesho waa muhiim.

Inaad deg degto marxaladdan waxay keeni kartaa inuu dib uga fekero la haasawiddaada. Haddii aad noqoto qof deg deg badan, wuxuu go’aansan karaa inuu ka baxo xiriirka isla markaana uu kaa tago.

  1. Ha iska fogeyn

Kadib markaad xiriir la bilaawdo wiilka, inaad is adkeyso ama aad ismacneyso waa fekrad xun oo aanan marnaba wanaagsaneyn.

Waa inaad joojisaa is adkeynta markaad ka aqbasho inaad xiriir la yeelato sababtoo ah adigoo og ayaad ka aqbashay inuu xiriir kula yeesho.

U muuji rabitaan oo si fir fircoon uga qeyb qaado xiriirka.

  1. Ha hilmaamin noloshaada

Waa nasiib darro in haweenka badankood ay hilmaamaan qofka ay yihiin marka xiriir qof la yeeshaan.

Hal wax oo haweeney kasta aysan sameyn ayaa ah inay hilmaamto shaqsiyaddeeda ama qofka ay tahay iyo inay jooojiso ku raaxeysiga nolosheeda.

Taas ayaa waxaa sabab u ah isla markaana haweenka ay ku macneeyaan inay la haasaawayaan qof, sidaa darteed waxaan wax wanaagsan ahayn in naftaada aad u dayacdo ama aad u hilmaamto qofka aad tahay qofaan shukaansanaa.

Facebook Comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here