Isticmaalka badan ee taleefanka iyo 3 Waxyaabood oo halis ah oo uu leeyahay

Waxaa qatar ku jirta nolosha dadka aadka u isticmaala taleefanada, caafimaad ahaan iyo noloshooda kale ee caadiga ah.

Waa kuwaan 3 qatar oo halis ah oo ka dhasha isticmaalka badan ee taleefanka.

1. Dhibaatooyin caafimaad

Isticmaalka badan ee taleefanka wuxuu sababaa dhibaatooyin caafimaad oo kala duwan.

Tusaale ahaan, eegmada taleefanka muddo dheer waxay indhaha u keentaa cadaadis badan oo sababa madax xanuun daran.

Waxaad sidoo kale dareemeysaa xanuuno qoorta ah taasoo ay sababto qoorta iyo madaxa oo muddo dheer aad hoos aadiso maadaama aad isticmaaleyso taleefan.

2.  Dhibaatooyin dhanka hurdada ah

Dadka aad ugu qabatimay taleefanka gacanta marka ay sariirta joogaan xitaa way isticmaalaan. Isticmaalka taleefanka ayaa qaata dhammaan waqtigooda hurdada taasoo ah dhibaato weyn.

Tayada hurdada waxaa sameeya iftiinka taleefanka kasoo baxaya. Hurda la’aanta waxay sababtaa xanuuno aanan u wanaagsaneyn caafimaadka bini aadamka iyo tabar darro soo wajahda qofka.

3. Dhibaatooyin dhanka xiriirka ah

Xiriiro ayaa u bur bura qabatinka ka dhasha isticmaalka badan ee taleefanka. Dadka aad ugu qabatimay isticmaalka taleefanka waxay waqti yar la qaataan lamaanahooda taasoo dhibaato ka dhex abuurta lamaanayaasha maadaama seeyga ama xaaska ay u baahanyihiin in waqti wanaagsan lala qaato taas bedelkeeda markaad waqtigii aad siin lahayd lamaanahaada aad ku dhammeyso isticmaalka waxaa hubaal ah inuu imaanayo muran kaasoo ugu dambeyn sababaya in qoyska uu burburo.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button