Maxay tahay sababta ay haweenka u door bidaan ragga ka dhaadheer?

Waligaa mala yaabtay, sababta ay haweenka u door bidaan nin ka dheer marka ay lamaan dooranayaan? Cilmi baaris ayaa ka jawaabtay.

Sida ay sheegtay cilmi baaris ay sameysay jaamacadda Konkuk ee magaalada Seoul, lamaanaha uu u dhexeeyo farqiqa dhererka ah ayaa la ogaaday inay heystaan xaasaska ugu farxadda badan.

Cilmi barista oo lagu daabacay wargeyska Personality and Individual, farqiqa ayaa la sheegay inuu yahay in kala duwanaanshaha dhanka dhererka ee u dhexeeya lamaanaha ay tahay mid ay ku faraxsantahay haweeneyda markaas hesho seey iyada ka dheer.

Cilmi barista ayaa ku saleysneyd xog laga soo aruuriyay 7,850 haween ah taasoo ah mid muddo dheer soo soctay.

“inaksto horey loo ogaaday in haweenku ay inta badan kahelaan raga dhaadheer xaga shukaansiga sababo laxiriira isbedelada ey dabeecad ahaan lakowsadeen jiilalka iminka jira, hadana ma jirto baaris lagu sameeyay haddii nimanka dhaadheer ay ka farxiyaan xaasaskooda,” sidaas waxaa yiri Kitae Sohn oo ah baare ka tirsan jaamacadda Konkuk ee magaalada Seoul.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button