Labo siyaabood oo kulanka sariirta ee waqtiyeysan uu ku hormari karo guurka Lamaanaha

Had iyo jeer qorshe walba wuxuu wanaagsanyahay inuu noqdo mid waqti ama jadwal loo sameeyay.

Qorshe walba oo ah mid waqti loo yeelo wuuka guuleysan ogyahay kan kale ee aanan waqtiyeysneyn.

Si lamid ah taas lamaaneyaasha waxay u baahanyihiin inay waqti ama jadwal usameystaan raaxada .

Xittaa haddii qof uu markaas yahay mid dareenkiisa aad u kacsanyahay wuxuu qaadanayaa oo uu sugayaa jadwalba ama waqtiga markaad u degsan labada lamaane.

Waxyaabaha soo socda waa laba faa’ido oo lamaanaha ay heli karaan haddii ay go’aansadaan inay qorshe u yeelaan dhaq dhaqaaqooda dhanka kulanka raaxada.

  1. Waxay meesha ka saartaa garasho la’aanta

Dhibaatooyinka heysta guurar badan ayaa ah in lamaaneyaasha ay ka cawdaan garasho la’aan.

Qaarkood waxay dareemaan in kuwa ay jecelyihiin ay ku gacan seeraan haddii ay weydiistaan raaxo ama kulanka sariirta markaas.

Qaar kamid ah lamaaneyaasha ayaa sidoo kale ku fekera in bilaabidda raaxada ama in si lama filaan u bilaabaan howshaas ay lamaanayaashooda u arki karaan si qaldan.

Sidaa darteed in waqti loo sameeyo galmada ama raaxada ayaa waxa ay labada lamaane ka saacideysaa in si isku mid ah ay ugu wada diyaar garoobaan kulankaas oo uu mid kasta qalbiga galinayo inuu dhacayo.

  1. Isku diyaarin

Lamaaneyaasha jadwal u sameysta raaxada ama galmada waa kuwo isku diyaariya shaqadaas waqtiga aysan bilaaban kahor.

Markaad ogtahay waqtiga aad raaxada la galeyso lamaantaada, waxaad heleeysaa fursad aad si wanaagsan iskugu diyaariso, tusaale ahaan inaad qubeysato ood ishagaajiso iyo inaad cunno wanaagsan qaadato si aad u xoojiso tamartaada ama heerka awooddaada.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button