Lixdaan Waxyaabood Haweeneyda Aad Ku Aragto Waxay Ula Jeedaa ‘Waanku Jeclahay’

Marka ay haweeney jeceshahay nin, waxaa macquul ah inaysan sheegi Karin balse intabadan waxay bixiyaan calaamado ay ku muujineyso inay jeceshahay.

Waa kuwaan qaar kamid ah calaamadaha ay lasoo baxdo.

  1. Waxay isku daydaa inay si weyn kuu barato

Haweeneyda ku jecel waxay rabtaa inay wax badan ku barato; waxay ku weydiineysaa su’aalo kugu saabsan balse marka aysan rabi in wax badan ka barato naftaada mcinaheeda waa inaysan ku jecleyn.

  1. Aad ayay kuugu soo dhawaataa

Soo jiidashada waa gantaal awood leh; dadka ayay isku soo dhoweysaa. Marka ay haweeney ku jeceshahay aad ayay kuugu soo dhowaaneysaa; waxba ma oran karto mana sameyn karto balse waxay rajeysaa usoo dhowaanshaha ay kuu soo dhowaatay inaad adigana qaadi doontid tallaabo aad ugu dhowaaneyso.

  1. Wehelkaaga ayay ku raaxeysataa

Haweeneyda ku jecel waxay ku raaxeysan doontaa la joogaaga waqti kasta. Waxay dareentaa farxad markay kula joogto, ku qososhaa kaftankaaga, iyadoo dhoolla cadeysa inbadan waxayna jeceshahay wehelkaaga.

  1. Luuqadda jirka

Haweeneyda waxay isticmaashaa luuqadda jirka marka ay la joogto nin ay jeceshahay. qaabka ay indhaha kaala hadasho ama waxa kuugu muujiso waa qaab aad ku garan karto inay ku jeceshahay.

5.Way ku faraxdaa wicitaankaaga

Markay gabar ku jeceshahay, waxay dooneysaa inay kula joogto iyadoo ku faraxda maqalkaaga; wicitaanadaada iyo booqashooyinkaaga waxay siiyaan farxad.

  1. Waxay raadisaa qaabab ay kugula joogto

Haweeney ku jecel waxay raadineysaa qaabab ay kugula joogto; la joogaaga farxad iyo reeynreyn ayay ka heleysaa waxay sidoo kale isku dayeysaa habab kale oo ay waqti kugula qaadaneyso.

 

Marak ay haweeney calaamadahaan soo bandhigto, waa qaab ay kugu leedahay waanku jeclahay.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button