Ma Jirto Haweeney Uur Leh Oo Rabta Inay Afartaan Arimood Maqasho

Waxaa jira waxyaabo dhaawici kara haweeneyda marka ay uurka leedahay. Dadka markaas u dhow hooyada canugga filayso waxaa laga rabaa inay waxyaabahan soo socda ay ka ilaaliyaan.

  1. Qalliin ayaa lagu marsiinaa

Haweenka qaar aad ayay u cabsi galisaa ereyga qalliin marka ay uurka leeyihiin. Badanaa haweenka waxay doonayaan inay si cadi ah u dhalaan. Haddii aadan ahayn dhaqtarkeeda, marnaba haku dhihin gaar ahaan marka ay filayso canugii ugu horeeyay inay ubaahan karto qaliin. Ka hadalka arrintaas waxay u taalaa dhaqatarkeeda iyo kalkaaliyayaasheeda oo u sharxi doona waxyaabaha suurtagalka ah.

  1. Markii aan dhalay cabsi iyo xanuun ayay ahayd

Ha usheegin haweeney uur leh xanuunka aad soo martay markaad caruurtaada dhaleysay. Sheekadaas waxay ku reebi kartaa cabsi iyo jahwareer mudada uga hartay dhalmada. Intaad usheegi lahayd waxyaabahaas, usheeg waxyaabo ku dhiiri galinaya inay si farxad leh ku dhasho wax waliba uga dhig wax caadi ah.

  1. Waa baaba’day/foolxumo ayaad uurka ku noqotay

Haweenka aad ayay u sameeyaan waxyaabaha loo sheego oo ay maqlaan. Ka hadalka haweeney uurka leh muuqaalka jirkeeda waxay u keeni kartaa naxdin iyo inay uqaadato in waxa ay sameyneyso ay qalad yihiin taasoo sameyn karta caafimaadka canugga caloosha ku jira.

  1. Waqtiyadii dhibka iyo xanuunka badnaa ayaa kugu soo fool leh

Ma jirto haweeney rabta in loo sheego waqtiyada adage e kusoo foolka leh ee ay wajihi karto marka ay canugga dhasho kadib, noqo qof dhiiri galiya isla markaana ay jeediya waxyaabaha aanan qalbigeeda u fiicneyn. U sheeg waxyaabo wanaagsan sida inay noqon doonto hooyo wanaagsan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button