Markaad Gabar Jeceshahay Iyaduna Aysan Dareenkaas Kula Qabin

Jaceylku mararka qaar wuxuu noqon karaa wax adag iyadoo dareenkaas uu la yimaadana uu noqon karo mid jahwareer badan. Markaad jeceshahay qof taas badalkeedana uu qofkaas ku jeclaado, waxaad dareemeysaa wanaag iyo jacayl. Laakiin kawaran markaad qof jeceshahay qoftaasna ay ku diido?

4 Arimood Oo Haweeneydu Sameyso Markii Ay Jaceyl Kuu Qaado

Marka la eego aragtida ninka, in haweeneydu ay diido waxay noqon kartaa qibrad dhab ah oo qalbi jab ah waxana jirta in rag badan aysan aqoon sida wax looga qabto qalbi jabka noocaas ah.

Waxaa muhim ah inaad ogaato In haweeney aad usoo bandhigto dareenka aad u qabto iyada inay u baahantahay awood isla markaana ay caadi tahay inaad sameyso waxana mar kasta jiri doona laba natiijo kala ah — aqbalaad ama diidmo.

Ka waran haddii ay ku aqbasho? Waa wax qurux badan! Laakiin ma aha inay arintu halkaas ku dhammaato, isla sii wada dhisida xiriir wanaagsan oo dhab ah. Haku dan gaarin adigoo ka faa’ideysanaya qalbigeeda oo ay ku siisay.

Marka, ka warran haddii ay ku diido? Waa inaad taas u guntataa isla markaana aad la timaadaa fahamka ah inay nolosha horey usii soconeyso.

Waxay ubaahantahay nin rag ah inuu furo ama soo bandhigo dareenkiisa isla markaana u sheego gabadha dareenka dhabta ah ee uu iyada u qabo.

Qasab ma ahan inay tiraahdo maya, laakiin waa inaadan ogolaan inay taas ku horjoogsato. Kor isku qaad oo noqo nin aad u wanaagsan, gabar kale oo kuu qalanta ayaa ku oran doonta Haa.

Ha isdayicin hana niyad jabin saaxiib, in lagu diido ayaa laga yaabaa inay ku dhaawacdo, balse ha yeelin inay taas kaa hor istaagto waxa kaa horeeya.

Related Articles

One Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button