Marnaba Ha Joojin In Todobadaan Waxyaabood Aad U Sameyso Qofka Aad Jeceshahay

Haddii ay noqon lahayd in qofka aad jeceshahay ay ku weydiiso ama aysan ku weydiin, waa inaadan joojin inaad u sameyso todobadaan waxyaabood ee muhiimka ah.

1. Ha joojin inaad umuujiso kalgacayl

Waa inaadan marnaba ka joojin qofka aad jeceshahay umuujinta inaad jeceshahay oo aad daneyneyso; waa qeyb kamid ah xiriirka oo aad muhiim u ah, markaad ka joojiso inaad taas u sameyso, waxay muujineysaa inaadan qiimeyn xiriirka.

Qaababka Ugu Wanaagsan Ee Lagu Ogaado In Qofka Aad Jeceshahay Uu Isagana Sidoo Kale Ku Jecelyahay

2. Marka haka joojin raalli gelinta markaad qaldantahay

Waa inaadan ka daalin raalli gelinta qald markaad sameyso. Haddii aad xittaa qalad ka gasho lamaantaada maalintii 10 jeer waa inaad raalli gelisaa sidoo kale 10 jeer.

3. Marnaba ha joojin inaad cafiso

Raalli gelinta iyo cafiska waa laba waxyaabood oo muhiim u ah xiriirka; midna ma shaqeyn karo iyadoo kan kale uu Meesha ka maqanyahay. Si xiriirka uu horey ugu socdo, waa inaadan joojin inaad cafiso lamaantaada.

4. Haka joojin dhiirigelinta

Waa inaadan ka joojin dhiirigelinta iyo inaad gadaal istaagto; waa inaad noqotaa midka qalbiga u dhisa markeey niyad jabsantahay, waana inaad lamaantaada u noqotaa taageere.

5. Ammaanta haka joojin

Ammaanta waa sida barafuunka; si wanaagsan ayay u carfaan waana faraxsanyihiin. Waana inaadan waligaa lamaantaada ka joojin faaninta; ammaanta waxay lamaantaada dareensiineysaa kalgacayl iyo qadarin. Markaad ammaanto ood faaniso lamaantaada, waadka farxisay.

6. Marnaba haka joojin qadarinta

Ha sugin inta ay lamaantaada kaaga sameyso wax weyn. Waxaa lagaa rabaa in lamaantaada aad ku qadariso wax kasta oo ay kuu sameyo, tani waxay ku dhiiri gelineysaa in waxyaabo intaas kabadan ay sameyso.

7. Noqo mid dareen gacaltooyo leh

Noqoshada mid dareen jacayl leh waxay xoojineysaa jacaylka xiriirka. Mar walba u ahaaw mid dareen lagacayl leh lamaantaada oo noqo mid iftiimiya xiriirka.

Haddii aad si dhab ah u daneyso xiriirkaaga, waa inaadan sameynta todobadaan waxyaabood.

Related Articles

One Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button