Marnaba Ha Sameyn Sadexdaan Arrimood Haddii Aysan Gabadhu Ku Rabin

Waxaa jirta gabar aad rabto inaad la qaadato noloshaada inta ka dhiman. Si,kastaba, gabadha waxay u muuqataa mid aanan kaa helin. Gabar noocaas ah inaad ku qasabto inay ku jeclaato waa qaladaadka ugu xun ee noloshaada aad ku sameyn doonto..

Waa inaad aqbashaa xaqiiqda ah inaysan ku rabin ama aysan calafkaaga ahayn.

Waligaa ha sameyn sadexdaan waxyaabood haddii aysan gabadha ku rabin.

  1. Isticmaalid lacag si aad u hanato qalbigeeda

Qaar kamid ah ragga ayaa diyaar u ah inay wax kasta sameeyaan si ay u hantaan qalbiyada haweenka. Ma ahan fikrad wanaagsan inaad isticmaashid lacag haddii aad rabtid inaad ka dhigto mid ku rabtid.

Isticmaal xeelado kale intaad isticmaali lahayd lacag haddii aad dooneysid inaad ku guuleysato jacaylka gabadha. Ragga isticmaala lacag si haweenka ay usoo jiitaan waxaa loo arkaa kuwo aanan isku kalsooneyn.

  1. U muuqashada inaad si daran u rabto

Ma jirto gabar rabta inay shukaansato nin kadaba ordaayo. Inaad tusto haweeney inaad si daran u rabto waa mid kamid ah waxyaabaha ugu xun ee aad ku sameyn karto noloshaada.

Isku kalsoonow oo ha ogaato inaad qiimeyneyso kaliya balse aadan si daran ama baahi badan aadan u qabin. Ku kalsoonow naftaada haddii aad jeceshahay inaad jacaylkaas ku guuleysato.

  1. Aflagaado/caay/xumaan

Ragga dabeecadda xun ayaa isku daya inay dhaawacaan ama aflagaadeeyaan haweenka diida. Haku waalan walaal gabadha haddii ay maya ku dhahdo.

Haweenka waa kuwo og waxay rabaan. Ninka wanaagsan marnaba ma xumeeyo, ma aflagaadeeyo, wax xunna kama sheego gabadha dhahda maya ama diida.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button