Qaababka Waalidiintaada Loogu Sheego Inaad Rabto Inaad Guursato

Markay noqoto waqtiga la ogeysiinayo waalidiinta inaad rabto inaad guursato taasi intabadan waa waxa ugu culus ee ay sameeyaan lamaanayaasha da’da yar ee isguursada.

Si kastaba, waxaa jiraan qaabab wanaagsan oo qofku iskugu diyaarin karo waalidiintiisa islamar ahaantaana uu ku tusi karo ama ku ogeysiin karo inuu doonayo inuu guursado isagoo maraya waddooyinka ugu sahlan.

Halkaan ka akhriso qaar kamid ah hababkaas.

  1. “Ubar dadka lamaanahaaga saaxiib ahaan”

Ugu horreyn waa muhiim in lamaanahaaga aad waalidiintaada u barto saaxiib ahaan. Markaad sidaas sameysid waxaad waalidiintaada siisay fursad weyn oo ah inay si wanaagsan u bartaan isaga/iyada.

Waxaad sidoo kale u ogolaatay waalidiintaada inay ka hadlaan isla markaana ay soo bandhigaan aragtidooda ku aadan lamaanahaaga.

  1. “Usheeg arrinta labada waalid midka dabacsan ee naxariista badan.”

Si aad u wajahdo culeyska waalidka adag qofku wuxuu u baahanyahay in marka hore uu dajisto qorshe hagaagsan.

Taasi micnaheeda ayaa ah in qofku uu u baahanyahay in labada waalid kan dabacsan ee naxariista badan uu marka hore arrinta u sheego ama baro lamaanihiisa uu doonayo inuu guursado.

Marka uu qofka sidaas sameeyo waxaa sahlanaaneysa in waalidka naxariista badan uu aado isla markaana arrinta la wadaago waalidka adag.

Markaad sidaas sameysid, waxaad fudeed ka dhigtay shaqadaada adigoo waalidka adag tusay inaad rabtid inaad guursato.

  1. “Waqti sii.”

Kadib markaad soo bandhigto sirtaada ama qorshahaaga, sii waalidiintaada waqti ay wax ku nidaamiyaan.

U ogoloow inay helaan waqtiga ay u baahanyihiin sidaa darteed marka ay taasi dhacdo oo ay wax walbo xaqiiq ahaanshahooda ogaadaan waxay kuugu yeeri doonaan wadahadal qoto dheer.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button