Qoraalka heesta Hadhkeygaa lagu gam'aa ee Khadra Silimo ay ku karbaashtay Seygeeda Mursal Muuse - Aayaha

Qoraalka heesta Hadhkeygaa lagu gam’aa ee Khadra Silimo ay ku karbaashtay Seygeeda Mursal Muuse

Laamaha geed sare ku yaal

Haddii midba gees u abxo

Gantada u aroorsan iyo

Guntey ka mideysanyihiin

Gacmaha nacab iyo gudmana

Mawada gooyaan dhirtoo

Gamool baan ahay nasab ah

Gobbaan ahay liicin abid

Gu’ iyo jiilaal midhaha

Goodkeeyga yaaloo

Hoobaan baa laga gurtaa

Hadhkeygaa lagu gam’aa

Jacaylkana lagu gartaa

2x

Qaalmaha geelee ku dhala

Hadeey magac guud sinmaan

Gawaha lagu soo lisiyo

Hadhuubkaa lagu gartaa

Gabnada maqasheed gobtiyo

Gob deeqda ma geynada

Mid baa marti loo godlaa

Gorofka midna looma cuno

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button