RAGGA: Sideedaan Calaamadood Gabadha Hadaad Ku Aragto Si Daran Ayay Kuu Rabtaa

Ma dooneysaa inaad ogaatid haddii ay gabar ku rabto? Waa kuwaan 9 calaamadood oo lagu garto inay si aad ah kuu rabto.

  1. Way ku raaxeysataa la hadalkaaga

Marka ay haweeney daneyneyso nin, waxay mar wakba ku raaxeysataa la hadalkiisa waxayna u muuqataa mid si daran u xiiseyneysa waxa uu yiraahdo.

  1. Mar kasta way ku faraxsantahay inay ku aragto

Haddii ay ku faraxdo araga wajigaaga aad ayay kuu jeceshahay. Marka ay haweeney ay nin si daran u rabto mar kasta way ku faraxsantahay inay aragto.

  1. Way ku faraxsantahay inay wax walba kaala hadasho

Marka ay haweeney ku daneyneyso, caadiyan way ku faraxsantahay inay wax walba kaala hadasho.

  1. Waxay kuu aragtaa nin shactiro badan

Marka aad ogtahay inaadan shactiro badneyn isla markaana mar walba ay si fudud ugu qososho waxaad tiraahdo, waa calaamad muujineysa inay ku daneyneyso.

  1. Mar kasta waxay kuu sheegtaa marka ay fursad heyso

Haweeneyda aanan daneyneyn nin had iyo jeer waxay sheegi doontaa mshaquul inay tahay iyadoo aanan ahayn. Balse marka ay haweeneyda ninka daneyneyso mar kasta waxay rabtaa in ninka uu ogaado  marka ay fasax leedahay ama fursad heyso xittaa haddii uusan weydiin.

  1. Waxay jeceshahay taabashada

Haweeney ayaa sidoo kale isticmaala taabasho si ay u muujiyaan inay daneynaynayaan ninka. Haweenka waxay isticmaalaan taabashada marka ay la sheekeysanayaan nin ay rabaan. Haweenka waxay taas u isticmaalaan si u muujiyaan in ninka ay rabaan.

  1. Niman kale kama hadasho markey kula joogto

Marka ay haweeney si daran u dooneyso nin, waxay u muujisaa inay doob tahay isla markaana la heli karo iyadoo aanan ka hadleyn rag kale. Waxay kuu sheegeysaa inaysan helin ninkii ku haboonaa ama aysan muddo jacayl la yeelan nin.

  1. Saaxiibadeed si wanaagsan ayay kuu yaqaanaan

Marka ay haweeney ninka rabto. Waxay kala hadashaa saaxiibadeed. Sidaa daraadeed haddii aad la kulanto saaxiibadeed isla markaana ay wax badan kaa aqoonsadaan waxaa hubaal ah in iyada ay usheegtay.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button