Sababta Aad Ugu Baahantahay Galaas Cabitaan Moos Ah Subax Kasta

Cabitaanka Mooska waa mid kamid ah cabitaanada dhadhanka leh ee aad u baahantahay inaad tijaabiso.

Waa macaan isla markaana nafaqo badan u leh jirkaaga. Aad ayay u wanaagsantahay inaad qaadato mooska amaba kasii wanaagsan inaad cabitaan ahaan u shiidato.

Faa’idooyinka soo socda ayuu u leeyahay jirka.

1.Caafimaadka maskaxda

Cabitaanka Mooska waxaa ku jira potassium oo ah kiimiko aad ugu wanaagsan maskaxda. Waxay xoojisaa awoodda maskaxda iyadoo kaa dhigeysa qof feejigan.

Waxay kaloo kor u qaadaysaa xusuustaada. Caruurta caba cabitaanka Mooska waxbadan ama cuna mooska ayaa la sheegay inay leeyihiin xasuus wanaagsan marka ay noqoto waxbarashada.

  1. Kordhinta Tamarta

Sonkorta ku jirta cabitaanka mooska ayaa ku siineysa tamartaad ugu baahneyd si aad u firfircoonaato maalintii oo dhan.

  1. Wuxuu xakameeyaa walwalka

Haddii aad walwal dareento, cabitaanka Mooska ayaa ah kan kugu habboon. Waa mid ku xasilinaya.

  1. Wuxuu u wanaagsanyahay dheefshiidka

Cabitaanka Mooska ayaa ah mid aad u wanaagsan markay timaado dheefshiidka. Waxaa aad ugu badan maadada Fiber-ka oo u wanaagsan dheefshiidka.

Haddii aad qabto calool fadhi, qaado hal galaas oo cabitaanka Mooska ah waxana dhibkaaga loo xalin doonaa si dhaqsi ah.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button