Shirkad dooneysa in Kilkilaha haweenka u kireysato inay xayeysiin kusameysato (Daawo Sawirro)

Shirkad laga leeyahay dalka Japan ayaa dooneysa inay wax ku xayeeysiisato kilkilaha haweenka wax xayeeysiiya.

Nin lagu magacaabo Brandon Chicotsky, ayaa kireeyaa madixiisa meelaha banana si ay shirkadaha doonaya xayeysiinta wax ugu xayeysiistaan si uu uga helo boqolaal dollar sanadkii, waana tusalaaha koowaad ninkaas.

Sidoo kale waxaa jira nin lagu magacaabo Hostgator M. Dotcom, oo mar wajiga ku shaabadeystay loogooyin ama calaamadaha aqoonsiga shirkadaha  si uu faa’ido uga helo iyo sidoo kale Jason George oo isna qeybo kamid ah jirkiisa ku xayeysiiya calaamadaha aqoonsiga shirkadaha kuwaas oo saameeyay noloshiisa iyo dhammaan jirkiisa.

Balse iyadoo dadkaan ay kireeyaan jirka qeybaha macquulka ah sida madaxa ama wajiga ayaa hadda waxaa ay shirkadda Wakino Ad Company dooneysaa kilkilaha (Shaqfalaha).

Dadka doonaya in kilkilohooda wax lagu xayeysiisto ayaa waxa ay saacaddii qaadan doonaan lacag dhan 10,000 yen oo u dhiganta ($89.99) iyadoo shirkadda Wakino ay xayeysiinta iyo qoraallada ay dooneyso ku xardhan doonta kilkilaha haweenka wax xayeysiiya kuwaas oo iminka doonaya inay ka faa’ideystaan.

Ma cada sida ay arrintaas ku suurtagali doonto inkastoo  maadaama uusan qofka manta oo dhan kor u taagi Karin gacmaha si xayeysiinta loo arko.

Shirkadda Wakino Ad ayaa bilowday hawlgallo, markaa ay adag tahay in la ogaado sida ay ugu guulaysan karto, laakiin waxay soo bandhigtay fikrado dhowr ah oo waali ah si ay uga caawiso macaamiisha inay arkaan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button