Si fudud iskaga dawee finanka iyo haaraha wajiga kaa haleeynaya + Waxyaabaha sababa

Haaraha iyo fininka wuxuu lumiyaa quruxdu aadamaha iyo muqaalka wajiga, waa laba shey oo saaneyn kuleh dunida.

Maxaa sababa haaraha iyo fininka

1- caabuq ku dhaca maqaarka

2-kareemada la marsado iyo shambooyinka qarkood

3-cuntooyinka qarkood

4-shukalaatada

5-stresska ,hurda yarida

6-hormoonada oo qal qal gala

7-xasaasiyada

Maqarka wuxuu leyahay godod ka baxa dhididka iyo wasaqada hadii aysan wasaqdaaasi ka bixin waxaa isa xira gododkaas iyo qan jirada ku jira kadibna maqarkii wuxuu yeelanayaa meelo bur buuran oo malax afka ku leh.

Si natural ah iskaga dawee haaraha iyo fininka.

Tufaax

Tufaaxa wuxuu dawo u yahay xanuuno badan oo ku dhaca jidhka wuxuuna kor u qadaa cunigyada difaaca,

Tufaaxa wuxuu ka hortagaa xanuuno badan oo ay ka mid yihin in ay xasuusta ka lumin ,cholesterolka,kancerka iyo nafaqa darida soo wajahada maqaarka,

Soo qaado hal xabo oo tufaax ah kadib miir waxaad kula dartaa lii dhanaan iyo malab kadibna biyo qaboow ku dhaq wajiga oo qalaji kadibna marso biyihii tufaaxa,liinta iyo malabkii aad isku walaaqday kuna haay ilaa 30 daqiiq.

Qolofta baradhada

Baradhada waxay kobcisaa lafaha,murqaha maqaarka waxaana ka buuxa nafaqooyin badan oo faaiiddooyin u leh jirka.

Soo qaado qolofta baradhada ka dibna kar kari markii ay biyaha is badalaan kala miir inta nadiifta ah waxaad kula darsataa saliid qumbe kadibna mari wajiga oo ku hayaa ilaa 1 saacad.

Liin dhanaan

Liin dhanaantu waa antibiotic,antifungus oo disha wixii jeermis ah liintu waxay kor u qadaa awooda jimsiga,liinta haaraha iyo fininkana waa lagu daweyaa liin dhanan ,qorfe , iyo heylka isku daro kadibna wajiga ku hayaa ilaa 45 daqiiqo.

Dawooyinka haaraha iyo fininka loo isticmaalo !

Fininka iyo haaraha waxaa lagu daweyaa dawooyinkan benzoyl+retinoids tazarotens ,tretinoin inta aadan gadan waxaad u baahan tahay in aad kala tashatid takhtarkaada

W/Q: Dr.Cadceed

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button