Sida Lagu Ogaado Haddii Uu Qof Iska Kaa Xiray WhatsApp (BLOCK) - Aayaha

Sida Lagu Ogaado Haddii Uu Qof Iska Kaa Xiray WhatsApp (BLOCK)

Xoogaa maalmo ah ayaa laga joogaa tan iyo markaad farriin qofkaas ugu dirtay WhatsApp laakiin qofkaas marnaba kaagama soo jawaabin farriintaada. Maxay tani dhab ahaantii ka dhignaan kartaa?

Sida muuqata qofkaas wuu iska kaa xiray ama qadka masoo galin maalmihii lasoo dhaafay.

Calaamadaha buluugga ah waxay tilmaamaan in qofku helay farriinta balse uusan rabin inuu kaaga soo jawaabo.

Halkaan ka akhriso astaamaha lagu garto in qofk uu WhatsApp-kaaga iska xiray.

  1. Isku day inaad wacdo qofka

Isaga ama iyada marka hore kawac WhatsApp-ka si aad u ogaato in qofka uu iska kaa xiray. Markaad wacdo haddii wicitaanka uu horey iska jaro amaba uusan dhicin taasi micnaheeda wuu iska kaa xiray qofkaas.

Si kastaba, tani mar kasta ma muujiso in qofku uu iska kaa xiray, wuxuu qofkaas go’aansan karaa inuu iska joojiyo wicitaanada codka ah WhatsApp.

  1. Eeg sawirada u saaran WhatsApp-ka

Sawirka astaanta u ah bartiisa WhatsApp isma bedelayo haddii uu qofkaas iska kaa xiray. Waxaad taabataa sawirka kadibna arag haddii uu soo bandhigayo wax isbedel ah.

Haddii aadan arki Karin qoraalka usaaran bartiisa ama ama sawirka astaanta u ah, waxay u badantahay in qofkaas uu ku xiray.

  1. Eeg waqtigii ugu dambeeyay qofkaas ee WhatsAPP

Calaamadda waqtiga ugu dambeeyay qofka ee WhatsApp mar kasta wuxuu ka muuqdaa barta WhatsApp ee qofka haddii uusan markaas Online ahayn ama uusan qodka ku jirin.

Dadka qaarkood ayaa sababo kala duwan iskaga xira inla arko waqtigii ugu dambeeyay ee ay WhatsApp ku jireen.

Si kastaba, haddii aadan arkin macluumaadkaan, waxay sidoo kale noqon kartaa tilmaan muujineysa in qofkaas uu iska kaa xiray.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button